Gaallo Sidaa Kuma Dhamaato.

large_51d465f4bbebf9e786cff5689cdf40a2

Sheeko-Faneed Qosol Ah.

     Oday qudhac iyo islaantiisa Cotiyo waxa ay maqaayad ku lahaayeen meel tuulo ah oo baabuurtu marto, waxa ay wax ka iibin kireen musaafirka qariiqa socda.

     Ilayn marwalba way somaari karaan musafiriintuye waxa ay kala qayb sadeen Qudhac iyo Cotiyo saacdaha shaqada, iyadu waxa ay shaqayn jirtay inta ay qoraxi soo jeedo isaguna waxa uu shaqayn jiray inta uu dhul madawayahay.

    Cotiyo iyo Qudhac in dhaw guri iskugumay iman sariir iska dhaafe, isagu maadaama uu oday wayn yahay warkaaba mahayo lakiin Cotiyo habeenkasta waxa ay seexataa furaashka kaligeed, waxaa ku dheeraaday wakhttigii waxaana ku batay fikirkii dabadeena waxa ay soo dagtay qorshe ay odaygeeda uga dhaadhiciso in uu habeno guriga yimaad,.

     Ugudanbaytii waxa ay galab jimcaad ku tidhi Xajoow maad maqlaysay waxa uu wadaadkii manta yiri jimcadii. Qudhac waxa uu ugu jawaabay maya dabadeedna waxa ay ku tidhi waxa uu yiri labada lamaane ee xalaal habeenkasta isigu taga waxa ay ula mid tahay in ay gaal dileen. Waxa uu ugu jawaabay isagoo ujeedadeeda fahmaya waayahay cawa ayaan dilaynaa ee soo diyaargalaw,  laba habeen markay gaalkii dileen ayuu oday Qudhac tamardareeyay dabadeedna habeenkii sadexaad iyadoo alaabta sii laalaabaysa ayuu ku yiri cotiyooy gaalo sidaa ku dhamaan maysee, caawa dili karimaynee inaga daa.!!!!!!!!

C.laahi Raage “Zayidka”

Qoraa, Saxafi, & Curiye Sheeko-Faneed

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s