Qalinyohow Igaadhsii..!!!???

DesingCumriga aadamuhu arlada joogo Aristotle iyo Faylasuufyadii la mid ahaa ama Luqmaan iyo Wax-garadkii la mid ahaa may ahayn garaadka kaliya ee xaq-mutay in la xuso..!

 

 

     Waxa marag madoonto ah in bulashada aadamuhu soo-saartay wax-garad hadal hayn mudan oo intaa ka badan. Lakiin waxa is waydiin mudan Ayaa kala xushay oo in ay qaarkood ina soogaadho dhaxalkodii aqoneed iyo garaadba, qaarkodna ayaan xataa magacdoda hayn gartay?!!.

     Waa arin in la-ag-jogsado oo habeeno laga fakiro mudane tolow yaa u kala qaybiyay asiibka ay qaarna 50qani dhimashadooda ka dib dunida saamayn xad lahayn ugu yeeshaan, halka kuwo kalena dabaylaha taariikheed ee carada  culus wataa ay aaseen dabadeendna roobka ilawgu ku da’ay dibna ugu noqday sidii dhul cusub oo bikrad aan cidi wali taaban oo kale ah.

     “Wixii la qoraa quruumo hadhee muxuu hadal qiimo leeyahay” murtidaa muga waynle ee  Cabdi Sinimoo nus-qarni ka hor ku dhawaaqay ayay ila tahay in ay halxidhaalaha badhkii xal u tahay. Hadaanay qalinka qaadan oo khadka iyo haraga isla doonan lagama yaabeen in ay ku guulaystaan qadarinta ay hada heleen.

     Murti ay qorayaashu isla yaqayaan ayaa tiraa “Dadku waxa ay xasuustaan waxa ugu wanagsan ee ay maqlaan, waxayna qoraan waxa ugu wanaagsan ee ay xasuustaan” taasina waxay si cad inoogu sheegaysaa in qoraalku kaligii muhim ahayn, lakiin murtida uu qoraalku xanbarsan yahay ay aad muhiim u tahay. Sidaa darteed   hadafka in lagu faano mudani maaha oo kaliya wax ayaa la qoray ee waxaa qoran ee qormoadu xanbaarsantahay.

     Qoraalka iyo murtida qoran ayaa kaliya damaanad qaadi kara xiise iyo qadarin in aadamuhu siiyan aqoonyahan gooni ah, labada qodob ayanan odhan karnaa ayagaa xushay wax-garadka aan ilaa hada hadal hayntoodu dhamaanin.

     Somaalidu guud ahaan waa bulsho afkanool ah, tariikh iyo aqoon qorantoona aan lahayn, Wax-kasta oo ay xanbaarsanyiina uu ku gudbo afka, intaa waxa u raaca been iyo been abuurad u kas ah oo dadka qarikii xaqiiqda ku majara habaabiaan iyagoo u adeegaya dano aan karaamaysnayn.

     Taasi waxay aqoon yahan badan oo soomaaliyeed ku dhalisay in ay wax qoraan, dhaxalna u rebaan jiilaha danbe ee qoomiydan qadar jabtay. Inta badan waxa qoraalku hada aad ayuu kobcayaa, lakiin qadiyada aan inta badan tooshka lagu qaban ayaa qiimaha qoraalka soomaaliyeed ood dareemayso in aanay ku dhisnayn aqoon biyo dhigatay iyo garaad sifiican u fiilay, waxa ay tahay in qoraa kastaa ku dadaalo waxa laga heli karo buugiisa in kabdan inta uu ku dadaalaayo waxa isugu uu ka heli karo buuga oo hanta iyo magic ugu horeeyo, Waxaana hubaal ah in qoraga faa’iifo badan laga helo buugiisa oo kaliyi uuni uu heli doono Hanti iyo Magac xuduudaha siyaasada ka talaaba, ileen shaandhada qalinku waa qancinta akhristaha iyo wax-tarkiisa, taasi oo kaliya uunbaana Kala Reebtay Raga Qalinka Qaaday Quruuntii Hore.

C.laahi Raage  “Sayyidka”

 Maareeyaha iyo Tif-faftiraha Farsamada.

Fiiro-Gaara

Qormadan Waxa aan u gaar ahaan ugu qoray “Wargayska Borama” oon xiligaa Tifaftire ka ahaa.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s