DUUFAANTA ISBEDELKA(1/6)

SONY DSC
C.lahi Raage “Sayyidka”

1:Gar Mise Gardro!!

     Nabadgalyada iyo daganaashuhu waa laba shay oo birimagaydo u ah bulshooyinka, Si xuquuq dhamaystiran loohelo, waajibaadka oo dhana lo guto; Maadaama larabo in nolol karaamoleh oo iinsaanka u qalanta la nolaado.

     Tusaalayn taariikheed

     Soo saaristii Nabi Muxamed ka hor caalamka waxaa ka jiray xadaarado iyo awoodo jaahili ah oo ay ugu waaynayeen Roomaan –oo markaa ahaa quwada Kaatooliga(kiristanka)ee aduunka- Faaris(bershiya) –oo markaa ugu awood waynayd umadaha diinlaawayaasha ah- iyo Yuhuuda –oo iyana inkastoo aanay dawlad lahayn hadan saamayn xoog leh kulahaa hab socodka nolosha caalamka reer magaalka ah.

     Soo bixitaankii nabi Muxamed NNKH waxay ahayd dhalshii umad kale oo qaab u socodka nolosha aadamaha isbadal wayn ku samaysay, Nabigu NNKH sifiican ayuu u gutay fariintii Eebe waxa uuna dhisay Umad arfaad oo matasha Xaqa samaawigaa aragtideedana ku dabaqda cariga korkiisa.

     Aan idhaahdo dawlidii Nabigu waxay awooday ay sugto jiri-taankeeda dabaeedna ay ugu fido sida falaadhaha nurka dunida dacaladeeda, markiiba waxa is jiidhay nurka cusub ee samaawigaa  iyo falaadhihii jaahiliyada halkaana waxaa ka dhalatay colaad badashay jihada socodka aaddamaha.

     Horaantii taarikhda islaamka, muslimiintu waxay awodeen in ay ka guulaystaan dhamaan cidkastoo hor istaagtay nuurka Eebe iyo hanuunka Nabiga, waxay gaadhay xadaarada islaamku heer ayna qoraxdu kadhicin, ka soo bilaw bartamaha iyo bariga yurub ilaa bariga fog.

     Lakiin taas macnaheedu ma ahayn marnaba in la cirib jaray awoodihii kale, inkastoo sicada taariikhda ka  muuqata  aad loo diciifshay, Sidaas darted waxaa marwalba jiray dhaqdhaqaaq  -marba awoodiisu in ay ahaataba- raba in uu ka aargosto umada islaamka, sidaas darted waxaa ay umadaha Kootaligu(kiristanku) bilaaleen dagaaldii loogu magacdaray Mucadtabka(Saliibka) oo ay horkacayeen kaniisada kaatooliga iyo bortooyooyinka reer Yurub oo ay ugu horeeyaan Faransiiska, Ingiriiska iyo qaarkale.

     Galin ayaa la is dhinac dhigi waayay lakiin duulaankii sideedaad ee dagaalka Mucatabku waxa uu ku so beegmay xili ay umada islaamku aad u lii dato, Nidaam, Ciidan, dhaqaale iyo Siyaasad ahaanba; taas ayaa keentay in kadib markii Yurubta koonfureed(Andulus) laga soo saaray islaamka qarnigii 15aad la qabsado inta hadhayna dagaalkii koobaad ee aduunka ka dib – Qaarkamida dhulka islaamka waxa la qabsaday kahor xoligaa-.

     Sida waxa ku dhamaaday dagaalkii Mucatabka sida uu sheegay hoogaamiyihii ciidaka faransiidka ee qasaday Suuriya xiligaa markuu dultagay qabrigii Salaaxa diin. Umadu waxay gashay xili madaw oo  aad u xun, lakin waxay bilawday in ay durba iskacaabin iyo halgan xornimo doon ah, Markii ay dareentay awooda gumaysigu in wadamada islaamka ayna sii joogi Karin waxay bilawday in soo saarto aqoonyahano xanbaarsan afkaarteda iyo sida ay iyadu nolosa aadmaha inloomaareeo rabato, tusaalna ka dhiganaya xadarada Yurub.

     Markay hubsatay in ay ardaydeedu awoodi karaan in ay shucuubta muslimkaa hantaan oo hogaanka gacantaku dhigaan waxa ay bilawday in ay in ka baxdo dunida muslimka idadoo talada u dhiibaysa qolyahaa ay xadaaradeeda so dhansiisay. Inkastoo ay shucuubta muslimku aad ugu faaxday xarnimada hadan farxadedu may dhamys tirmin sababto ah waxa bilaabmay halgankii horo-umarka iyo dib u dhiska xadaarada islaamka, lakin hogaamiyashii gacanta ku dhigay xukunku waxay noqdoon wajigii labad ee gumaysiga, waxaana astaan u noqotay dawladaha islaamka cuduruda umada aafeeya sida Gaajada, Xanuunada, Jahliga, Tacdiga, Musuqmaaduqa, Afduubka siyaasadeed, Si qaldan u adeegsiga maamulka iyo awooda, lunsiga hantida umada IWM.

Guga’ Kacanada Carabta

    Hadana waxa dib ugu bilaabmay shucuubta halgan cusub oo hadafkiisu yahay xornimo dhamays tiran kadib markay tiihore dhicisawday, waxaa bilaabmaatay dhaqdhaqaaqyo xornimo doon ah lakiin markan ka soo horjeeda hogaanka saaqiday ee ku fadhiya madaxa umada meelkasto ay jogtaba.

     1432H ama 2011M waxay noqotay sanad taariikhi ah oo bani-aadan tinimadu dib u dhalatay, aduunkuna arkay isbadal aad u balaadhan oo kasoo bilaabmay Tunis, Masar, Libia, Yamen anan kuna doonin  Suriya, Kacaanka waxa garab soday garab socdana dodo farabdan oo ku sahabsan musaqbalka wadamada xoroobay iyo kuwa hada saaxadaha isbadalka iyo xoriyad doonka fadhiya. Maqaalkan waxaan ku falan qayn doona waxogaa daah fur u noqon kara waxa hada ka socda dunida carabta ee loogu magacdaray Guga kacaanada carabta.

                                                                                       C.lahi Raage *Sayyidka*

Qoraa Saxafi Ah iyo Curiye Sheekofaneedyo Soomaaliyeed

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s