MAWADA HARAAD BAXNAA?!

10429334_10203412326811296_5943066085655017400_n
C.lahi Raage “Sayyidka”

(1)

    2014-kii waxa u la dhamaaday xiisad is-maandhaaf siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq coladeed oo is barkan isna sii taraaya oo ka aloosmay gobolada galbeedka Somaliland, Horaatii sanadkana dhaqaqaaqa siyaasadeed ee dalku muu ahayn mid dagan kaga bilaalbo isu soo baxyadiirabshada watay ee hargaysa iyo burcoka dhacay, kulamadii siyaasaded ee xisbiyada mucaradku horkacaayay ee rabshadu marwalba daba socotay, dhacdadii Corawn Hotel hargaysa iyo Isku soo baxii Xeebta batalaale ee Berbera intaas oo dhan hadii lagu daro buuqii siyaaseed ee ka aloosnaa hay’daha sharci dajinta dalka ee gadhay in albaabka la iskugu dhufto dhismaha labada gole ee barlamanka, Dhanka kale hadii aan hore u sii durugno waxa iyana aan wali si buuxda u dhamaan xiisada gobolada bari ee dalka oo xukuumadau ku guulaysatay in ay wakhti sii horaysa heshiis siyaasadeed la abuurto dhinac ka mid ah garbaha mucaaradka Somaliland-diidka reer bari, lakiin taasi marnaba maaha in ay si kama danbays ah xiisadaa looga gudbay.

     Waxaas aan hore u soo shegnay oo dhan waxa ay la xidhiidhaan Dhaqdhaqaadyada salka ku haya mucaaradnimo, Heer Somaliland-diidnimo iyo Siilaanyo/Kulmiye-Diidnimo mid ay ahaataba, Dhanka kale Buuqii siyaaaseed ee lulay xukuumada iyo xisbiga talada haya ee salka ku hayay cida u tartami doonta xilka hogaanka dalka ee dorasha soo socota hadii ay qabsoonto xisbiga Kulmiye oo ah awooda siyaasadeed ee dalka ugu culus hadii laga xisaabiyo dhanka Xubnaha Golaha Wakiilada , Golayaasha degaanka iyo hogaanka dalka.

Hadii aad si dagan u dhuuxdo dhamaan dhacdooyinkaa siyaasadeed ee isdaba socda, isnawada saamaynayaa marwalaba waxay ka soo kicitimayaan arimood oo ilaa hada si muuqata aan xal fula loo helin labadaas oo kala ah (1) Wax-wada lahaanshaha iyo (2) Si nabada talo ula ka warega

(2)

       Hadii aan ku horayno mida hore oo ah mida halista ah, culays wayna ku haysa jiritaanka Somaliland iyo nabada oo ah waxa-kaliya ee lagu hayo dalkan tan iyo markii la yagleelay, sabatoo ah waxa is jiidhsan laba fikir oo ilaa hadana aan si cad cidna uga jawaabin, labadaaas oo kala ah in badi hogaanka dhaqan iyo siyaasadeed ee gobolada dhexe aaminsanyihiin ama ku shaqayn nayaan fikir odhadhaaya caasimada iyo inta la dhiig-baxda ayaa dalka tiro iyo taariikhba iska leh, hareruhuna marti iyo markhaati waxaan ahayn ma soo dhafaan sidaa darteed waxay leeyihiin hilibka inta jaarka laga siiyo, taas oo keentay in Awooda, Hantida, Shaqaalaha, Fursadaha, iyo Misaaniyada Horumarintu si wayn ugu dheelido gobolada dhexe.

     Halka dhankalena Badi hogaanka dhaqan iyo siyaasad labda dhinac ee kalena ay aaminsanyihiin ama ku shaqaynayaan fikir odhanaaya jiritaanka Somaliland waxa uu ku xidhanyahay joogitaankooda sidaa darteed waxay rajaynaaan in ay qayb wayn ka helaan Awoda, Hantida, Shaqaalaha iyo Fursadaha dalkan ka jira, taas oon ilaa hada wax macquul ah aysan ka helin.

      Qodobka labaad ee rabshadaha siyaaseedeed ee aan kor ku soo xusnay salka ku hayaana waxa weeyi in dhaman siyaasiyiinta waawayn ee dalka jooga ama soo maray xukuumad iyo mucaradba lafta kali-talisnimo kaga jirto, midwalibana uu qarshe naftiisa uun ah la rooraayo, taasina waxay keenaysaa in marwalba ay is badalan saxiiibadu, sababtoo ah dhamaan maslaxad ayaa lagu heshiiyay midkastaana waxa uu wataa ajande isaga ugaar ah, maslaxadii malinkii mucaradka la wada ahaana ma jiraayo marka xilka laqabto, iyo tii markii la hayay xilka ma joogtoobayso marka mucaaradka la noqdo.

(3)

      Xaalada isxanbaarsan ee halkaan manta joogno ina soo gadhsiisay, Sidaa aan soo sheenay ayay u abuurmeen, qodobadaa abuuray xaaladaasna waxa ay dabada ku hayaan arimo mugleh oo la xidhiidha Cilmiyada Bulshada (Sociology), Nafta(Psychology ), Siyaasada(Political Science), Dhaqalaha (Economy) iyo guudahaan Xadaarada (civilization), Kuwaas o kolay maqaal iyo bug midna aan sibuuxda aan loogu tirinkarin, lakiin waxaa meesha taal rabsahdahaa dusha aan ku soo qeexnay maxaa xal u noqon kara.

(4)

      Somalialand waa dal aan dhisme dawladeed oo adag iyo dhaqan reer magaalnimo oo dawladu ku tiirsato midnaba lahayn, Aqoon iyo ilbaxnimo la isku haleeyo midnabana aan bulshadeeda lagu ogayn, intaa waxaa u dheer waa qaran aqoonsi lahayn, Hore uga tirnasanaan jiray ama katirsan (Qofba Siduu u Arko) Somalia oo dagaal sokeeye Sodon sano ku dhawaad ku habsaday, waa dal ku yaala geeska Africa kana tirsan dunida muslimkaa iyo caalamka sadexaad,oo ah guud ahaan dunida inta ugu liidata, Somaliland malaha dalal wawayn oo daneeya ama saaxiibo danaynaaya.

 Waxaas oo madaw ah noo sawirtaye maxaad xal u aragtaa ayaad I waydiiin karta lakiin waxaan waxaan kaliya ku odhan karaa, sidaaso dhan ha u walwalin, dalalbadan ayaa sidaan u nool nahay u nool, duniduna way soo wada martay marxaladan.

(5)

          Hadaan u soo noqdo xalka ila macquulka ah, waxan cidna ku dooday in aan halmar la wada xalin karin mashaakilka dalka ka jira, waxa kale oo aan muran ka taagnayn in jiilka hafa hogaaminaaya bulshadu (siyaasiyiin iyo oday dhaqameedba) aanu marnaba dhalin karin nidaam ka madax-banaan  qabyaalada /beelaysiga, musuqmasuqa iyo waji-wax ku qabashada, dhankalena waxaa iyana cad in aan dhamaantood laga sugayn horumar buuxa oo dhaliya xaalad waxa dalka yaalaa ku filnaado dadka dalka jooga.

(6)

  Intaasba hadanay doodi ka taagnayn waxa aan laga maar maaan ahayn in la dhawro inta la hayo oo ah xoryida ay bulshadu ku nooshay ee badi aan lagu faro galinayn hawlaha shaqsiyeed iyo nabda lagu wada joogo taasina waxay kenaysaa in dinackasta oo dalkan ku nool in loo aqoonsado dawrkiisa cidkasta oo degaanku Somaliland ka dhigayna ay xaqeeda hesho, taasina waxay ku imanaysaa saami qayabsi macquula oo si buuxda u dhexmara dhamaan dhinacyada dalka wadaaga.

    Madaxwayne Siilaanyo markuu u loolamaayay talada dalka waxa u calaamad ahayd  ololihiisa hees caan noqotay oo halku dhageedu ahaa BEESHU WAY-HARAADEE …..!!!

Silaanyo wuu ku guulaystay xilka koobad ee qaranka lakin su’aasha ilaa hada hortaala isga iyo dhamaan hogaamiyaaasha Siyaasada iyo Dhaqanka ee dalkan ma cid gooni ah baa haraad bixi mise waan WADA HARAAD-BAXNAA…….!!!!!!!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s