DAYRKA CAMUUD CABIRKIISA..!!!!

4-2014_1399125742_308

   Cabdow waxa uu ahaa wiil dhalinyar ah, waxbarashadana ayna aad iskugu fiicnayn,wakhtigiisa inta badan waxa uu ku qaadan jiray kubad, qayil iyo haasaawe, nolosha hadaf  la sheego kamuusan lahayn, waalidkiisana waxa uu u arki jiray inay culays ku yihiin, marwalba oo ay ku cadaadiyaan in uu dhaqankiisa toosiyo ama wax-barashadiisa hagaajiyo waxa uu ku fikiri-jiray in u ka guuro, lakiin waxa hortaalay caqabad ah waxa uu ku noolaan lahaa hadii qoyskiisa ka dhex-baxo, taasina waxa ay ku khasbijirtay in uu labo nololood noolaado, nolol uu qoyskiisa la nool yahay oo ben ku dhisan iyo nolol uu goni u noolyahay o waxa uu doono sameeyo.

    Noloshiisi dhawr gu’ (sanad) ayay sidaa ku socotay, qayskiisuna ay xan ku hayeen in uu qayilo wax-barashadana ku liito, Lakiin hal-mar ayaa waxa horyimid hawl aanu hore ugu sii diyaar galobin, arinkaasi waxa uu soo korday markii uu dhamaystay dugsiga sare, taas oo ku waajibinaysa in uu go’aan ka gaadho halka uu mustaqbalkiisu u jeedsanaayso, Cabdow gaar ahaan waxa uu ku talamaayay in uu dalka dibad uga baxo, bixitaankasi noocuu doonaba ha ahaadee (Tahriib/Passport), dhanka kale qoyskiisu gaar ahaan Hooyadii iyo Aabihii waxay ku talamayeen in ay u diraan Jaamacada  Camuud ee xarunteedu ku tal magaalada Boorama sida badi dhalinyarta gayiga soomaliada, wax arinka la isla rogroba waxa talo lagu gaadhay in jaamacada loo diro biil fiicana loo qoro.

    Waxa uu soo gadhay Cabdow Boorama xili fasax Jaamacadu ku jirto, waxa soo dhaweeyay dhalinyar deegaankiisa ka soo jeeda oo uga soo horeeyay magaalada iyo jaamcadaba, waxyar ka dib waxa ay sheekadu iskugu dhacday Culusow oo isku deegan ay ka soo jeedaan sidiisoo kalena wax-barashada ku liita, oo wakhti hore intuu jamacada is diwaan galiyay dhawrjeerna cunay  bishii (fee-dii) jamacada sanadba aan fadhiisan fasal jamacadeed iska daa in uu wax-bartee.

    Sidii Colosaw oo kale Cabdow waxa uu jeclaystay nolosha madax-banaanida xaddhaafkaa leh een cidna kula xisaabtamayn, bilkastana waxaad u baahantahay si toos ah laguugu soo diraayo, dhawrkii biloodna mar kharash buuran lagugu soo cawinaayo iyadoo ay intaa dheeratay in cidii qoyska ah ee uu wax waydiiyaaba siinayso waxa uu u baahdo ileen waa arday qurbo joogee.

   Maalinba maalibay Cabdow u dhiibtay sidii uu isku lahaa baribaad jamcaa tagi, maalinta kalaad isasoo diwaan gelin, sanadka danbaad bilaabi, sidaas waxaa kaga dhawamaad afar sano oo kharasha ku socday, loona haystay in u jaamacad ku jiro, isna qayil ayuu ula kala baxay.

   Sanad kadib qalinjabintii lodkiisa ayuu ku noqday magaaladii uu ka yimid qoyskiina waxa uu ku qanciayay in uu soo dhamaystay jamacad, lakiin waxa halmar badalay deganaanshihii qoyska iyo xaaladii uu ku sugnaa aqoonyahan Cabdow sheeko si isa soo taraysa u soo gashay magaalda oo ah in aanu ninkaasi waxba soo baran oo sidii uu ku tagay Boorama uu kaga soo noqday.

    Waxay socotaba xantii waxay soo gadhay Cabdow aabihii oo ilaa hada aaminsan in inankisu waxbarasho heersare ah soo qatay, Cabdow aabihii waxa uu dabagalay sheekadu halkay ka soo baxday, markuu ogadayna waxa uu u gar dhigtay dhalintii sheekadu ka soo baxaday abayooshood oo uu ku edeeyay in ay inankiisa sumcada ka dilayaan, gartii markii la galay waxa la go’aanshay in Candow iyo dhalintii la iska horkeeno oo dhinac kastaabana cadaymihiisa keeno, Cabdow aabihiina waxaa loo balan qaday hadii sheekadaasi been noqoto in qoysaska kale ee dhalintu ka dhalatay oo yakayn(takhsiiri) doono.

   Maalinkii dhabtu dhabta gadhay Cabdow waxa uu ku yimid jawi isgiijin ah, lakiin gudihiisa waxa uu dareemayay jaha wareer culus, gartii mar haday bilabanataybaa waxaa dhalinti la waydiiyay waxay ku cadaynayaan in Cabdow waxba soo baran, waxa ay sheekeen in ay  wada daganayeen oo xaaladiisa ay ka war hayeen lakin taasi waxay u cuntami wayday gudidii dhexdhexaadinta ku jirtay waxaan la waydiiyay dhalintii sababta ku kaliftay in ay sumcada ka dilaan Cabdow, oo ah wiil dhalin yar ah, tolna ah.

    Xaaladoo cakiran odayaashii dalinta dhalayna talo ku ciirtay ayuu Baruur o dhalinta kamid ahaa inta uu booday yidhi: Hala waydiiyo Cabdow dayrtka(xayndabka) Jaamcada Camuud inta uu legyahay haduu dhigan jiray..?

    Halmarbaa la isla aamusay dhalintii kale waxay is idhaahdeen sawka saxiibkiin dhex fadhiisatay, Cabdowna waxa uu iswaydiiyay waxa uu ku jawaabi lahaa inleen waligii maa uusan tagin xafiis camuudi lee-dahay iska daa dhismaha magaalada kabaxsane, wuxuna isla markiiba go’aan ku gadhay in uu jawabta madmadow galiyo markaasuu idhi: Anu Maan Mitirine(Cabirine) Lakiin Sidaan U Arkay In Qof Ka Dhici Karo Maaha.

    Sidaasayna gartii ku dhamatay Cabdow iyo Qoyskiisan ku kala go’een dhalintii iiyo reerohoodiina yako kaga badbaadeen, xaqiiqdiina ku cadaatay ileen cidii sawir uun ka aragtay camuud iska daa in ay tagtee waxay hubtaa in aanay dayr iyo wax u egtoona lahayn.

C.laahi Raage “Sayyidka”

Qoraa, Saxafi, & Curiye Sheeko-Faneed

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s