YEMEN IYO DUFAANTA AFJARKA EE SUCUUDIGA IYO XULAFADIISA

11391398_10204478190097212_3092850472202379351_n
C.Laahi Raage “Sayyidka”

 

    Maalmo ka hor dunidu waxay ku soo toostay gariika iyo guuxa diyaaradaha xulafo balaadhan oo heer gobol ah, dalka Sucuudiguna hor kacaayo, oo bartilmameed sanaysa saldhigyada iyo xarumaha hogaanka ishuwanta xoogaga maleeshiyaadka sida halista ah u hubaysan ee Xuusiyiinta iyo Madaxwaynihii xilka laga xayuubshay ee Cali Saalax, hawl-galkan oo loogu magacdaray duufaanta afjarka ayay cidba dhan ka jogsatay waana arin dabiici ah in cidba dhankeeda ka joogsato kuna eegto diiradeeda gaarta, ana anoo dadkaa ka mid ah qormadan waxaan isku dayayaa in aan taabtaabto arimo gogol dhig u noqon kara fahan balaadhan oo ku sahabsan hawl-galkaa iyo xaalda uu dhabarka ku hayo, dhinacyadiisa iyo waxa keenay islamarkaana sida aan saadaalinayno in uu ku danbeeyo.

(1)

     Siyaaasadu waa dan iyo danaysi mataqaan danta dadka iyo dar alle (siday u badantahay) Sacuudiga iyo guud ahaanba Khalijku waxa uu dareemayaa halis kaga soo foodleh awooda Iraan ku daba jirto ee Yaman gacanta ku dhigtay, dhankaa marka laga eegana garbuu u leeyahay in uu difaaco danahiisa.

(2)

    Xuusi waa Jabhad diimeed aan Alshaab waxba dhaamin, Daacishna aanay kaga badinayn Arxan darada Cuqdad taarikhiyana hayso oo ka soo jeda qoyskii imaayada ee Xukunka Yaman kacdoo shacbi oo hubaysan lagaga tuuray mudo nus qarni ku dhow.

(3)

    Cali Saalax-na (garabka labaad ee hawlgalku bartilmaameedsanayo) Waa Mas Madaxa Yamaniyiinta kaga duubnaa 33 Sonno ilaa hadan aan rabin in uu rumaysto in  shacabku ku kacdoomay kuna riyoonaaya in uu inankiisa Ahmed dalka u boqro.

(4)

    Iraan Waa dawlad Faarisi ah oo qoomiyadaysan, shiicano ah oo Cuqdadaysan dagaal madhabeed iyo mid qoomiyadeed oo isku dhafan ku jirta, kuna talamaysa in ay dib u dhisto boqortooyadii Faaris ee muslimiintu rideen xiligii khilafadii Cumar (RRHN) 14 qarni ka hor.

(5)

    Hawlgalka Duufanata Afjarka ee ay qadeen 10-ka dawladood oo uu Sucuudigu hogaaminayona waa talaabadii ugu horaysay ee si wax ku ool ah looga qaado Isbalaadhiska iyo Awood tirsiga Iraan ee Dunida Muslimka oo halis culus ku haya umada.

(6)

    Hawlgalka Duufanta Afjarka waxa uu helay taageero shacab oo buuxda dhanka yamaniyiinta taana waxa cadaynaaya Isku soo baxyada dalka meel walba gooshaaya ee u mahad celinaaya Dawladaha Hawlgalka ku jira oo uu u horeeyso Sucuudigu, iyo taageerada ay u muujiyeen dhamaan siyaasiyiinta iyo axsaabta, hogaamiyaasha beelaha, iyo dhaqdhaqaaq-yahanada kacaankuba.

(7)

     Iraan gacmaha ka laaban mayso iyadoo arkaysa in la dumanaayo mashruuceedii ay Yaman ka dhistay lakiin fursadaha ay haysataa aadbay u yaryihiin sababtoo ah dagaal lama gali karto xulafo 10 dhan oo Sucuudigu hogaaminaayo, Bakistan iyo Masar ku jiran Turkiguna tageeraayo reer galbeedkuna ka raali yihiin.

(8)

     Reer Galbeedku waxa ay hada kula jiraan Iraan wada hadalo culus oo ku sahabsan qadiyaa nukliyeerka, markaas uma baahna wax kala daadiya qorshahaa lagu soo afjaraayo colaada wakhtiga jirtay oon ku koobnayn nukliyeerka oo kaliya, taas oo hadii heshiis buxa laga gaadho albaabada dunida Iraan ka furi doonta, islamarkaana si wayn ugu suurto galin doonta in kaalin culus ka cayaarto gobolka, reer galbeedkana siin doonta garab awood leh oo danahooda dhawra isla markaana meesha ka saari doona halistii Iraan ku haysay danohooda, arinkaasina uma cuntamin xulafada asaasigaa ee dunida muslimka uu maraykan ku leeyahay sida Turki, Sucuudi iyo guud ahaan khalijka.

(9)

     Siyaasada arimaha dibada ee sucuudiga iyo soo-raacayaashiisu, kadib kacanadii qarqiyay gobolka waxay awooda saartay ladagaalka Islamiyiinta dhexdhexaadka ah iyo hagaadinta kacdonada bulshooyinka carbeed, taasina waxay laba jeer u fa’iidaysay Iraan, mar ahaan waxa uu ka saaray ajandaha carbeed ka soo ka fudaydiyay culays badan, marka labaadna waxa uu u fidiyay jawi ay ku faro galinkarto dawladaha ay isbadaladu ka socdaan, ilaa ay gadhay in ay gacanta ku dhigto afar magaalo-madax oo carbeed (Baqdad, Bayruut, Dimishq iyo Sanca) oo laba ka mid ahi saldhig u ahaayeen laba khilaafo islaamiya.

(10)

     Hawl-galkani waxa uu dariiqeedii saxda ahaa ama aan odhano garaad-galka ahayd u soo celinayaa siyaasada dibada Sucuudiga ee her gobol, waxana uu 180darajo badalayaa miisaanka siyaasaded ee gobolka oo dhan, isla markaana waxa uu soo afjarayaa ama hakinayaa hadii ugu liito fidsigii Iraan iyo riyada Imabaraadooriyada Faaris, waxa kaloo uu samayn ku yeelan adoonaa xaalada Ciraq, Suuriya iyo Lubnaan.

(11)

     Hawl-galkani waxa cad in uu ubaahan doono ciidamo dhulka ka dagaalama oo Cali Salax iyo Xuusiyiinta is xambaarsan dalka ka saara isla markaana buuxiya gondalooda amaan ee ay ka tagi doonaaan, ileen ciidan iyo nabad sugid Yamaneed ma jirtee… Cidamadaas oo noqon kara kuwo ay xulafadu diraan taas oo badi xubnaha isbahaasigu diyaar u yihiin, sucudi, masar iyo bakistan ha ugu horayaane, ama ciidamo dagdag lagu ururiyo, hub, hogaan, saanad, qorshe iyo taageero farsamo oo buuxda loo diyaarsho.

(12)

     Hawl-galkani sida uu u egyahay natiijadiisu way cadahay Xuusi iyo Cali Salaix tariikhda ayay sidaa ku galeen, xaalka Yaman ee cusubna waxba kuma laha, lakiin xulafada gaar ahaan sucuudiga iyo khaliijka waxaa hortaala hawl-gal rayid ah oo kan ka cuslus, kaas oo dib loogu dhisaayo dawladnimada dunsan ee Yaman, dhaqaale xumadana lagaga saaraayo, si ay dagaano ugu waarto, taasina waxay ku xidhantahay qorshaha siyaasadeed ee la hirgaliyo kadib hawl-galkan ciidan.

                                                                              GABOGABO

C.Laahi Raage “Sayyidka”

Qalinle, MuqaalQaade, Iyo Warfidiyeen Soomaaliyeed.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s