ILEEN ILAAHYO KALE AYAYNU LEENAHAY..!!!

DSC_0638-001
C.Laahi Raage “Sayyidka”

     Wakhti aan bilo ka soo wareegin anoo mareegta facebook dhex mushaaxaaya ayay ishu igu dhacday muqaal ay dadka la soo wadaagtay shabakad war oo can ah, dalka maraykana laga leeyahay kasoo muujinaaya sawirka Ayaan Cali oo ah  gabadha soomaaliyeed oo islamka ka baxday (ridawday) weerar shaki galin ahna ku haysa tan iyo malinkay ridawday, Muuqaalkaas oo ciwaan looga dhigay hadal meel ka dhac ku ah muslim kasta oo dunidan ku nool ayaan jeclaystay in aan ana dhankayga ra’yi ku darsao oon ku dul qoray erayo macnohoodu ahaa culimada soomalida ee maalinkasta hadal ahaya arimo aan macno wayn lahayn maa laga waayay mid gabadhan u banbaxa oo qonciya ama juxo ku aamusiiya.

     Wiil aan aqoon wacan isku leenahay ayaa markiiba inta uu shaydaanka iska naaray iigu soo jawaabay hadal nuxurkiisu ahaa Culimada cayda kadaa, igama argagixin in uu wiilkasi wadaada difaaco garna wuu uleeyahay, haseyeeshee waxa iga yaabshay sida uu hadalkaygii u majara habaabiyay.

    Soomaali ayaan ileen ahee laba maalmood oo kale ayaan qoray hadalo dacaayad iyo kaftah ku sahabsan MD Xasan Sheekh & Siyaasiyiinta Somaliland ah, malinka horena gabadh ay naftuba ka baxsantahay baa iigu jawaabtay madaxda cayda ka daa waad dhaqan xuntahaye, maalinka danbana wiilbaa hadalkeegaas oo kale iiga buuxshay meesh, iyagoo tibaaxaaya in ay adagtahay in umad madaxdooda wax ka shegtaa horumar gaadhi karto.

     Hadii aad halkayga joogi lahayd waan hubaa in aad is waydiin lahayd kolay waydiimo badan lakiin ani waydiinta aan madaxayga ka bixin waxa ay tahay ta aan jawaabteeda ku asteeyay qoraalkan ee ah MA ILAAHYO KALE AYAYNU LEEHAY..??!!

     ILLAAH waa macbuud, ama cida la qadiso ee cibaadadana loola qasdiyo,  EEBE waynena waa kaliye, bulshooyinka aduunka wax ay leeyiin ILAAHYO badan oo la caabudo lana qadiso sida LO’da Hinduusamka tusaale ahan, hadaba wax kasta oo lo diido in wax laga sheego, dood la galiyo, la dhaleeceeyo oo kaba sii darane khalad iyo gardaro lagu sheego waxa la siiyay astaan ilaahnimo oo ah QADISAAD ama hadaan si kale u dhigoo XUMAAN KA NASAHNAAN.

     Inagoo maskaxda ku hayna taladaa hadaan jaleecano dhacdooyinka aan hore u soo wadaagnay waxa si fiican aan u dheegan karnaa in bulshadeena Soomaaliyeed ay leedahay waxyaabo badan oo loola dhaqmo sidii ILAAHYADA kuwasna waxa ugu horeeya aadamaha xilalka haya ku dawladeed, mid mucaarad, mid diineed iyo mid dhaqameed kuu rabo ha noqdee.

     Dadkaas koox walba midkeeda u ah Sheekha, Odayga ama masuulka ugu jira taliska ama mucaaradka waxa ay ku fadhisisaa si kas ama kama’a ah kursigaa lama taabtaanka ah ee ILAAHNIMADA, markaasay u diida kooxaha kalena in ay hadal-qaadaan oo amaan wax aan ahayn ay ka sheegaan, dhaqankaasina waxa uu halbawle u ayahay tirada dhaqamada nolesheena ka dhigay mid aan dib mooyee hore u socon.

     Laga yaabaa in aad I tidhaa maxaad iskugu xidhaysaa horumar la’aanta iyo qadisaada shakhsiyaadkan oo waxa aad iwaydiin kartaa miyana dhici Karin in ninka la maamuusaa uu bulshadiisa u hago halkay rabto si uu maamustiisu u sii waarto??!!.

     Waxaan kuugu jawaabi aadamaha meel awod ama hanti taalo loo dhiibo, ama labaduba yaalaan waxa hubaal ah hadaanu is dhawrin in uu wax badan biinaayo, lakiin hadii aadamaha laladaba joogsado dhalecayn, su’aal ah maxaad qabatay iyo maxad sidaa ugu qabatay, loona raaciyo waad fashilantay ee tiri xilka ama waa lagaa tirin ogow isdhawrid aanu u dhalanba haduu doono ayuu samayn doonaa isagoo ka cabsi qaba in karaamo daro ka racdo meesha.

     Sidaas darteed cida marka horeba laga horjoogsado in wax laga sheego oo lagaliyo qasrigaa ILAAHNIMADA aadamuhu samayteen waxa loo fidiyay fursad aan cidlo laga helin oo uu wax kasta oo uu rabo uu ku laaqo isagoo loo sacabinaayo.

C.Lahi Raage

QoraaSoomaaliyeed

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s