FALANQAYN: SHEEKO FANEEDA SADDEX NAFOOD

DSC_0931-001
Abdilahi Raage “Sayyidka”

 

Hawd qalin macaanidii lagu yiqiin waxa uu ku darsaday farshaxan qoraal oo curuuqda hoose ee sheekada marna aan ka maqnaaan, sawirka guud iyo hab u socodkeedu waxa ay muujinayaa sida  uu ugu farayarastay Ibraahim Yuusuf Ahmed {Hawd} sheeko faneediisa gaaban ee Saddex Nafood.

     Way yartahay inta aan afkeena hooyo wax ku akhriyaa, maahana sababtu in aan jeclahay  afaf kale wax ku akhriskooda, ee iyada oo marka horeba waxa aan qorno uu iska koobanayahay, ayaa hadana waxa ku lifaaqmay in badi qoraalka afka soomaaliga ku qorani in uu kugu kalifaayo in aanad dhaafin labada bog ee u horeeya, taas lidkeed markii uu Hawd warinta sheekada iiga bilaabay “Siraad, waligaa iskuul ma aad dhigan”  ilaa aan ka gaadhaayay “Sababtaas ayaad balwada iyo dadkeeda u weheshatay”  waxa uu ii diiday in aan talo kale kaga mashquulo ama sidii ay caadadaaydu ahayd aan ka kala badh kaga tago si aan xili kale u dhamaystiro.

     Marka laga yimaad farshaxanka qurxoon iyo afka dihin ee hawd sheekadiisa ku xardhay waxa ay sheekadani tooshka si toos ah ugu ifinaysaa arin-bulsheed ay yartahay inta la jaleeco, in kasta oo uu sida garanwaaga ugu fiday bulshadeena marxaladan ay marayso.

     In duq hanti leh uu gabadh dareen leh oo dan hayso ama dhoof doon ah guursado. guri, gaadhi, gabdh, waardiye iwm inta uu gacanta ka galiyo kaga tago baahi aan cid aan isaga ahayn dabooli Karin, waxa ay hada noqotay war la isla yaqaan oon cidna layaab ku dhalineeyn.

     Inkastoo wacdigeena bulsheed wax la sheego aanu ahayn, oo arimo badan oo aan tani ugu horayn wax garadkeena iyo cida wax sheega u lug baxday xeerkeed marin, xaqeedna aanay siin, hadana arinkan waxa aad moodaa in uu liiska hoosta kaga jiro ama cid si miisaan leh u dareensaniba aanay jirin taas oo daaha saaraysa halista uu leeyahay iyo waxa ka dhalan kara.

     Sadex Nafood qoraagu kuma uu koobsan oo kaliya in uu ku muujiyo arin-bulshedkaa halista badan oo kaliya, ee waxa kale oo si toos ah kuu taabsiinayaa sababta maangalka ah ee qof walba ku kalifaysa in uu xuduudkiisa dhaafo, taas oo si cad kuu tusaysa in qof kastaa ku jiro ama duruuftu dhigtay meel aanu lahayn xoriyada kala doorashada saxda iyo khaladka, ama hadaynu si kale u dhigno in qofkastaa uu leeyahay baahiyo ka kalifa in uu waxyaabo badan indhaha ka qabsado si uu u buuxsho baahidaas, taas oo xiliyo badan ku keenta in uu fududaysto gaf ama gardaro uu ku kacaayo isagoo raba in uu dhamaystiro baahidiisa. tusaale ahaan:

     Siraad in ay ku hamido guur nin hantiile ah kama ahayn kaliya hanti jacayl ee waxa keentay in hantidu noqoto shayga go’aan ka gaadhaaya dookheeda nolosha qoyskeedu ay ki jireen,

     Sidoo kale xerowga warkiisu ku koobnaa in uu helo kaliya cid saliida ka bedasha baabuurkiisan raabuqa ku dhaw kama ahayn galmo jacayl iyo kulayl uu ragga dheeryahay ee waxa uu ku taagnaa xeerka nin sodonka ku dhaafay isagoo xaas la’aana, ilaa hadana aan isku hubin hanti ama wax u dhigma oo u gabadh ugu geed fadhiisto.

     Qof ahaan ma rumaysni in iblaaysku “Allaha Nacdalee”  masuul ka yahay go’aamada aadamaha, sheekadana waxa ay cadayn buuxda u tahay in qofkastaa isagu go’aan saday in dariiqa khaldan ku helo baahidiisa kadib markii ay ku adkaatay in uu ku helo dariiqa toosan.

     Arinkaasi waxa uu markaaba soo sarayaa miiska iswaydiin ah: hadiiba uu qofku khaladka ugu dhacay duruuftiisa awgeed ee aanay ahayn wax uu xoriyad buuxda ku doontay isaga oo  badal kale haysta. miyaysan eedaynta, canaanta iyo ceebayntu ka dhacayn??!!

      Hadiise ay jawaabtu haa tahay, miyaanay khaladka iyo saxdu xuduud beellayn oo qofwalba waxa duruuftiisu ku qasabto aanu ahayn waxa isaga u saxda ah??!!

     Iswaydiintaasi waa mid falsafi ah oo culus sidoo kalena yeelan karta jawaabo tiro badan lakiin midha aan u gol leeyahay aanan u arko in ay toosantahay waxa aan ku falanqeeyay qormo hore oo u dhiganayd sidan

     “qofka in aad gardaro ku qirto iyo in aad ku canaanato kala saar, haa way dhacdaa in aad qofka ku qanacsantahay in uu khalad ku jiro, fikir khaldan qabo, fal qaloocan samaynayo hadana aanad ku canaanan waydo, ileen garan maysid hadii duruuftiisa lagu geeyo wax aad yeeli lahayd.!!!”1

Sii akhri: IMISA MIDABLEH AYAAD TAHAY..?!

     Waxa ay ila tahay in dhamaan Siraad, Xerowga iyo Xaajigeeduba xuduud kooda ka gudbeen lakiin se, aanu midkoodna yeelin wax ka duwan waxa uu yeeli lahaa qof kasta oo duruuftooda ku jira, sidaa aay  tahayna taasina kama ridaayso in uu khalad buuxa yahay waxa ay ku keceen dhamaantood.

    Qoraagu waxa uu inoo fidiyay sheeko faneed nooceeda oo kale lagu heli Karin afkeena hooyo taas oo aan kaliya kugu qancinayn in aad akhrido ilaa erayga ugu danbeeya. sidoo kale kugu kalifaysa in aad fikirto.

     Guud ahaan sheekada waxa ii cuntami wayay sadarka u dhacay “waxaad kale oo hubtaa kitaabadii oo rixli wada saarnaa ina aad haraati ku kambashay”. Kaas oo sheegaaya in xerowgu markii uu isxakamayn kari waayay ee uu booday in uu naftiisa iyo Yaasmiinba xasiliyo in uu haraati ku sii tuuray kutubtii iyo rixligii ay saarnaayeen.

     Sadarkaasi waxa uu muujinayaa xaalada uu ku jiray xerowgu oo aan miyir qab ahayn lakiin kuma haboona kitaabkeena barakaysan in aan u quudhno haraati xataa hadii ay tahay mala’awaal aan fariin ku gudbinayno, sadarkaasi sidoo kale waxa uu dhaawacayaa dareenka akhristaha qadarin buuxda u haaya kitaabka rabigeen.

     Gabagabadii si aan u soo ceshano kalsoonida aan ku qabno afkeena waxa aan u baahanahay in aan kobcino guud ahaan qoraalka iyo gaar ahaan kiisa mala’awaalka suugaanaysan ee dareenka cabiraya.

___________________________

1: C.laahi Raage “Zayidka” : IMISA MIDABLEH AYAAD TAHAY..?!

C.Laahi Raage “Sayidka”

Qalinle, MuqaalQaade, Iyo Warfidiyeen Soomaaliyeed.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s