Ani Iyo Xaawalayda.

1175234_10205639087118912_1775860080652834114_n

Midkoodbaa i waydiiya, Madaxadayg, Kas, Garasho La’aan iyo Warjacayl mid ay ka ahaydba

-“Imisaa sanadkaa gunaanadmay xaawalay ku soo martay oo wax uun kaaga tagtay?”

Waxaan ugu warceliyay aniga oo ay isoo hormarayaan sawiradii, wajiyadii iyo dhacdooinkii

-“Inbadan, oo badan, badiduna agtayda maaha in yar.”

Sidii wax uu hadalku sida saaruukha ugu dhacay kiikale inta uu joojiyay bunkii uu diyaarsanaayay, si layaab kabuuxana iisoo eegay ayuu sii isdiidsiinaaya ii waydiiyay

-“Jacaylku ma soo noqnoqdaa..??!! Miyaanu kalgacaylku ka koobaad uun ahayn??!!! Sideebuu wadnahagu u qaadi karaa waxaas oo dhan..??!!

Intuu ii su’aalaayay sidii khudbad dhaga la’nin jeedinaaya anu waxaan ku talamaayay
-“Miyay tahay in aan warkaa ka jawaab celiyo..??!! Oo sabab??!! Oo sideena??!!

Hal adaygiisa iyo xanuunka waydiimihiisu imay siin fursad aan ku tallamo, anoon ku qanacsanayn waxan qabanaayayna waxaan ugu jawaabay
-“Jacaylku noloshayda gacaliye waa sida roobka iyo cariga, maqnaasha ayuu dheereeyaa kadibna kadis ayuu ku yimaad bilaa hordhac, Ilbidhiqsiga koobaadba, sida ilbidhiqsiga ay dhibicda roobka ugu horaysaa la kulmayso cariga, ayu laabta si diiran ii gashadaa, dhunkashana igala daalaa, ii sheegtaa xiisihiisa, farxadiisa, muragadiisa, warkiisa iyo wacaashiisa, wuxuu galay iyo wuxuu guday, iigana warbixiyaa xiisihii gubay intii dheerayd ee uu maqnaa, deetana ila boobaa waydiin, waxaa uu iiga waram oo dhana iga waraystaa.

Nagaasho yar ka dib wuu iska tagaa, ama sidaas ayay ula muuqataa ka wax jecel, waxa uu ka tagaa dhaawacyo iyo xanuun, waxa uu dumiyaa riyooyin iyo rajooyin, deetana la iloobaa oon soo-naqoshadiisa aan la naawilin, ileen midkalaa kedis ku yimid xili la moogyahay, oo falay fal diiday in dib looga fakaro wax asaga ka horeeyay, deetana nagaada isagoo sugaaya aminta socdaalkiisa aan lagaranayn”.

 

-Abdilaahi Raage

Curiye SheekoFaneedyo Soomaaliyeed.

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s