Ismoogaan….!!!! (2)

zayidka
C.Lahi Raage “Sayyidka”

     Jidcade boodh badan, xilli qoraxdu wixii dhaqaaqayaba dubanayso adigoo daal iyo caajis kaa muuqdo, labiskaagana aanad u soo aabo yeelinba markaad soo baxaysay, dhankan aad u socotana aan garanayn, xagaad ka timidna illaabay, meel aad ku maqnaydna aan xasuusnayn ka hor intaanad ku baraarugin baabuurka cad ee Indhacadaha ah ee gabadha cad ee indhaha cad wadato oo kugu soo maqan.!!!

     Sida xaragada leh ee ay birta u wadato iyo qosolkaas kuu sheegaaya in kaftan daba socdo waa kuwa ku dareensiiyay in gashaantididu adi kugu soo dakhrantahay…!!!!

     Waatuma tollow?, ayay kuu garanaysaaa?, malaha cidbay kugu qaldaysaa? Waadiga waydiin isla booday ee kunoqday meeshii aad ku maqnayd ee aanad aslanba garanayn, Isasoona hordhigtay buugii dhamaan intaad gabadh taqaanay ku duugnayd, baalbaal markaad u rogtay adoo rumaysan la’ in aad ka wayday waadiga u wareegay liiskii wixii gabadh lagu sheegay in ay ku hadal haysay wakhtiyadan danbe. Labada midna ka wayday.!! Waaba Yaaab..!!

     Adoo taa layaaban waadiga maqlay qosolka qof ka danbeeyay oo la saran birta, codkaasi waaka kugu soo celiyay dunida waaqaca aad joogtay amintaas, isla markiiba waadiga ku talamay yeelkeed cida ay tahaye si diiran u soo dhawee oo is-giiji. Halmar ood is eegtay waata niyada kaa dishay, labiskaaga isdhexyaalka ah, kabahaaga boodhku midbeeyay, timahaagan aad moodo in qunaqabatayn lagu soo rogay, wax aad isku giijisaaba kuuma hadhin, wakhtiguna kuma gacan qabanayoo madow iyo xili aan wax la arkayn maaha. Tola’ay..!!!

     Wax aad talantaba taayirka kusoo gaadhay waaka kuu diiday in aad sii wadato, dhabtiiba waa timid, halkii lagu kala bixi laha ayaa la joogaaye miyaad kaga horaysaa istidhi? Maya iyadu hakaaga horayso go’amisay.

    Iyadba way ku jeedaa in aad yaabantahay oo aad iswaydiinayso waydiimo ayada ku sahabsan oo jawaab u la’dahay, si ay kaagu raaxayso culayska waydiimahaas, wareerka war la’aantana kaaga saarto, iyada oo hadalkeeda qosol kala googaynaayo, gacameheeda midi ku maqantahay qofka la fadhiya mida kalena markay isteerinka ka qaaday waata kuugu soo fidisay mobile sawir fiican waata ku tidhi “Walaal sawir xasuus ah ani iyo xaajigayga ma naga qaadi adoo mahadsan”.!!!

C.Laahi Raage “Sayidka”

Qalinle, MuqaalQaade, Iyo Warfidiyeen Soomaaliyeed.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s