ERAYO AAN KA IDHI DOODII XUQUUQDA AADAMAHA IYO ISLAAMKA

12522957_10205727143040255_6933173192349739081_n

 

Gabagabadii todobaadkii ina soo dhaafay xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland waxa ay agaasintay dood aqooneed ku sumadnayd XUQUUQDA AADAMAHA IYO ISLAAMKA, taas oon gaabjooge ka ahaa waxa lagu soo qaaday arimo badan waxaana lagu wadaagay talooyin iyo afkaar kala gadisan, ana waxaan halkan idinkula wadaagayaa aragtidayda ku aadanayd doodahaa kala duwan ee xaruntaas lagaga dhawaajiyay.

Kow | Doodbaa qabata magaca Xuquuq Al-Iinsaan ma haboona in aan adeegsano hadaan nahay muslimiin.
Cidaas waxaanay ogayn ama aan loo sheegin in magac badan oo muslimiintu isticmaaleen ay diimo kale iyo dhaqamo kale ka soo jedeen sida DIIWAAN oo FAARIS Cumar “allaha raali ka noqdee” ka soo min quurshay.

Laba | Doodbaa qabta Muslim hadaan nahay cidkale waxba inoo sheegi mayso.
Cidaasi waxayna ka warqabin in Cadaabka Qabriga jiritaankiisa dawarsato Yuhiidiyad ahi u faa’iidaysay Caa’isha “allaha raali ka noqdee” ka hor waxyiga, rasuulkuna NNKH ku taageeray.

Sadex | Doodkale waxa ay qabtay xuquuqda ku xusan Baaqa Caalamigaa Ee Xuquuqda Aadamaha in laga dheegatay Qur’aanka, oo codadka qarkood waxa ay I dareensiinayeen in markii warqadaa la qoraayay la is horhaayay Qu’aanka Kariimka ah.
Qoladaasi waxay u badheedheen been cad, waayo faro kutiris dhaafi maayaan inta diinteena wax ka taqaanay ee gudidaa ku jirtay hadiiba la tiriyo.

Afar | Doodkalena waxa ay qabtay in waxa aadamaha xuquuq loo sheegay ay ku xusan yihin diinteena.
Hadalkaasi waa garaadgal hadii laga reebo qodobo iyo fasiraado si cad u jabinaaya mabaadi’da diinteena.
Shan | Dood kale aya aahayd aragtidan ku adan xuquuqda aadmuhu waxaa wax ay reer galbeed leeyihiin inaguna aynaan qayb ka ahayn.
Qoladasi waxa ayna wali rumaysan in aduunka xudiidii fikirka iyo taladu baaba’day oo tuulo kaliya lagu wada noolyahay.

Lix | Dood kale waxa ay ahayd waynu ka maarmi karnaa falsafadan iyo nidaamkan ay wadataba.
Aragtidaasi wali waxa aanay jawaab ka bixin maxa aan kaga maarmayno.

Todoba | Doodkale waxa ay ahayd mabaadi’daasi qimo ma leh iyadoo lagu tusaalaynaayo xarumaha waalidka lagu xareeyo marka uu duqoobo ee dalalka galbeedka.
Taladaasi waxa ayna kuba xisaabtamin oo meesha ka saartay nolosha ay ku noolyihiin waalid badan oo hoyga ubadkooda cadaab aduunyo ku mara dalalkeena.

Sideed | Doodkale waxa ay ahayd inagu 1400 sano ka hor ayaan aqoon u lahayn oon naqaanay xuquuqdan ay hada ogaadeen.
Cidaasi waxaa hortaala waydiinta ah maxay inoogamuuqan wayday aqoontaa aad sheegtay.?!

Sagaal |Tallo ayaa ahayd Diinta aqoon uma lihin aan wax kaga fahano, xuquuqda aadamahana ma aynaan daraasayn ee intaan hadlayno aan wakhti iyo dadaal galino labadan fahankooda deeto ayaan go’aan ka gaadhi karnaa. Anna waan la dhacay hadalkaas.

Toban | Baaqa qodobasiisa aan falanqayno ayuu ra’yi ahaa, anna taas ayaan qabaa ileen markaan gunta u dagno uunbaan garan karnaa waxa aan ogolaan karno iyo waxa aan diidi karno’e.

Toban iyo Kow | Taladayda laba cinwaan waxa ay ka kala yimaadeen laba xadaaradood oo mid kastaaba duruuf, waaqac, taariikh, iyo shaqsiyad u gaar ah ay leedahay taas ayaana keenaysa in aan marwalaba si sahlan la iskula fahmin ama la iskugu ladhi Karin Islaamka iyo Xuquuqda Aaadamaha.

Toban iyo Labo | Qodobada ku aadan arimah aay ka midka yihiin
-Xoriyada damiirka “Caqiidada”iyo fikirka,
–Adoonsiga,
-Xuquuqda hawenka,
-Xuquuqda Jinsiga “Galmada”
Iyo qaar lamid ah ayaa saldhig u ah dooda ka taagan xidhiidhka Islaamka iyo xuquuqda aadamaha, kuwasaana mudan in cilmibaadhis iyo dood badan laga galo.

 

C.Laahi Raage “Sayyidka”

Qalinle, MuqaalQaade, Iyo Warfidiyeen Soomaaliyeed.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s