J. CAMUUD IYO W. CABDILLAAHI-DHEERE, ARAGTI KALE.

Maalmahan waxa taagneeyd dood ka dhalatey hadal uu wasiirka waxbarashadu ku duray Jaamacada Camuud, isaga oo kulan la qaadanayey Gudoonka waxbarashada ee Gobalka Awdal. Sida ku cad hadalka wasiirka, wuxa uu ku soo hal qabsadey dhalinyarta bada ku dhimaanaaysa, oo uu sheegay in ay yihiin kuwa aan lahayn xirfado ay ku shaqeeystaan, intooda jaamacadaha dhameeyseyna ay aqoon liidata kala soo baxeen, si guudna waxa uu u sheegay in jaamacaduhu aay noqdeen xarumo ganacsi, si gaar ahna wuxuu isku dul taagey jaamacada CAMUUD oo uu ku sifeeyay in ay sanadii 2006 kadib tayadeeda waxbarasho hoos u dhac samaynaysay, isagoo carabka ku adkeeyey wixii ka horeeyey 2006 in uu dunida laga aqoonsanyahay.

SilaanyoatAUGrad2015

Kabilow Midig, Proff Saleeban A.Guled,  MD Axmad M. M. Silaanyo, W.Hore Faarax Geedoole, Cumar Dheere.

Video: “Warbixin, Wariye Jamac Dude oo Space Chanel uga warama Boorama Uu ka diyaariyay kulanka wasirr Abdilahi la yeshay hogaanka waxbarashada heer gobol”

Intaa wixii dhaafsan hadalada wasiirka waxeey u muuqdeen laablakac, sida indha indheeyayaashu sheegayaana eedaynta wasiirku waxa ay ka danbaysay ka dib markii aay jaamacada Camuud ka hor timi amar uu wasiirku soo saarey oo ahaa qaadhaankii loo ururinayay abaaraha. Jaamacada camuud meey diidin qaadhaanka, waxa ay se ka dhaga adeeygtey in aay ku wareejiso Gudoonka Waxbarashada Gobalka awdal si la mid ah sidii aay yeeleen bahda waxbarshada ee Gobalka Awdal, iyaduse badalkeeda waxeey ku wareejisey Gudida Abaaraha.

Video: “Hogaanka Jaamacada Camuud oo gudiga abaraha deeq lacageed ku wareejiyay”

Ma aheeyn markii ugu horeeysey ee uu wasiirku saxaafada ama meel guud kaga hadlo Jaamacada Camuud ama jaamacadaha dalka, sanadkii 2012 beey ahayd, isagoo Xoghayaha Golaha Guurtida ah uu Camuud si waayeelnimo ka muuqatay ugula taliyay in la wax laga saxo dhinacyada maamulka iyo xisaabtanka, si ay jaamacadaha kale ee dalku ugu daydaan maadaama aay tahay jaamacadii koowaad ee Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Isagoo sheegay “in waxyaabo badan oo lagag deeydaana  aay jiraan. {2}

Video: “Abdilahi Dheere oo ka hadlaaya Amoud 2012, Mar uu qudbad ka jeedinaayay Hoolka Mana Guest House ee Boorama”

Hadaba weedhihii wasiirku ku dhaliiley tayada waxbarasho iyo shahaadada jaamcada waxa ka dhashey Jawaab celino ka soo baxay maamulka Camuud, kuwaas oo si dadban inta badan u difaacaayay tayada waxbarasho ee jaamacada, inkasta oo ayna keenin cadaymo maangal ah oo meesha kasaari kara eedaaymaha masuulkan qaran ee hagaaya guud ahaanba waxbarashada Somaliland.

Video: “Hogaanka Camuud oo jawaab ka bixinaaya eedaymaha wasiir Abdilahi”

Bulshada dhankeedana waxa ay hadaladaasi ka  dhaliyeen ismaandhaaf balaadhan. Badi dadka hadal hayay arinkani waxa ay u qaybsameen laba kooxood. kuwa hore difaac indha la’ ayay u galeen Camuud, iyaga oo wasiirka ku eedaynaaya in uu duminaayo hanti reer galbeedku guud ahaan wadagaan, iyaga oo sidoo kale rumeeeysan astaamaha sheegaaya in hoos u dhac ka jiro jaamacada, iyagoona kuu sheegaya in ay mudantahay in daah la saaro oo aan la soo bandhigin. Kooxda labaadna waxa ay garab rooraayeen eedaymaha wasiirka, Camuudna waxa ay ku sifaynaayeen xarun reereed, oo aan mudan in magac guud la siiyo, halka wasiirkana aay huwiyeen magac reereed.

Kooxda hore waxa seegtay hadii ay Camuud tahay hanti guud oo ay haboontahay in taladeeda la wadaago, dhaliisheedana siwacan loo darso, loona falanqeeyo si wadajira, si looga wada hawlgalo wixii ka qaldan ee markaa jira ama hogaankeeda lagu cadaadiyo in uu ka hawl galo. Kooxdaasi waxeey mooganyihiin hadii danta guud laga wada shaqeeyn waayo in aay dugoowdo, khasaaaraheeda iyo magac xumada ka soo baxdana dhamaan bulshadaasi wadaagto, ee aayna ku koobnaaneeyn dhaawrkii qof ee hawshaa maamulayay ileeyn waa dan-guude.

Kooxda kalena waxa seegtay in wasaaradu tahay xafiis qaran, wasiirkuna yahay shaqaale qaran, hadalkiisuna uu halkaa ka soo maaxaayo, ayna haboontahay in heerkaa lagula dhaqmo. Waxa kale oo seegtay in ay Camuud tahay xarun waxbarasho oo bulshada ka dhaxaysa, haysa boqolaal arday oo cid kasta leh, Sidoo kalena in taageerada beelaysan ee qof siyaasi ah loo fidiyo aysan kor u qaadine hoos ugu ridaayso gidaafada qabyaalada.

Dhankiisana wasiirku maanu kala saarin masuulnimada iyo muwadinnimada…. Meel hebla ma fiicna, shaqo wacan kama socoto iwm, ee aan fal daba socon waxa leh muwaadinka maqaayada fadhiya. Masuulka qaran ee is aqoonsan, waxa looga fadhiyaa in meesha uu gandaloolo ku arkaayo ka hawlgalo, marka ay tahay shaqadiisa tooska ah ee uu uu u xilsaarnaa, marnaba hadal loogama fadhiyo ee in falalkiisu hadlaan ayaa looga fadhiyaa.

Waxa iman karta in si masuulka loogu cudur daaro lagu afgobaadiyo “Wasiirku muxuu ka qaban karaa xarumo ganacsi oo rag maamushaan?!” Lakiin waxa aanu waydiinaynaa garaadka waydiintaa keenay, qodobadan miyuu awoodi wayay wasiirku.

Miyuu awoodi waayay in uu siyaasad jaangoonaysa ka yeesho heerka ugu hooseeya ee laga aqbali karo jaamacad. sida –

Kow: Manhajka (Curriculum-ka) arday heer jamacadeed ah la siinaayo, Buugta loo hayo iyo Qalabka wax barasho ee uu baahanyahiin.

Labo: Baraha bixinaaya manhajkaa, heerkiisa aqooneed iyo khibradiisa shaqo.

Sadex: Imtixaanada lagu galo jaamacadaha iyo kuwa lagaga qalin jabiyo.

Afar: Nidaamka maamulka jaamacada iyo xuquuqda ardayga.

Kadib uu ku kormeero, ku dabo-galo, kula xisaabtamo, kuna maamulo, dhamaan jaamcadaha dalka barnaamijkaas ama siyaasadaas. Jaamacada ka hortimaad ama u hogaansami waydana  uu go’aan cad ka qaato ama uu ruqsada jamacadeed kala laabto.

Hadii siyaasad noocaas ah oon kharash hay’ad laga doono ubaahnayn sanad kaliya lagu dhiqi lahaa waxbarashada dalka, 180 darajo ayuu isbadali lahaa jawiga aqooneed ee dalku, wasiirna uma baahdeen in uu dhaliil saxaafada u mariyo hay’ad taladiisa hoos timaad.

Ku Sahabsan Qorayaasha.

12510402_10205730127314860_163365507639434782_n
C.LAHI RAAGE “SAYIDKA”
  • BS Dhaqaalaha iyo Siyaasada ka diyaarshay Jamacada Camuud.

  • Diploma Aqoonta diinta iyo luuqada carabiga ka diyaariaya Machadka Zaylac.

  • Diploma Aqoonta Saxaafada ka diyaarshay Machadka Saw College.

  • Qoraa saxafi ah, Curiye sheekoFaneed, Tujumaa iyo cilmibaadhe somalaiyed.

  • Ku qora afafka Somali iyo Carabi.

  • Leh barnaamujka TALLAN.

  • Qoraalo kala duwan ku fidiyay bogag Soomaaliyeed, Carbed iyo Afrikaan.

11220069_950269251690184_6755955591057860119_n
C.RAXMAN SH. MAXAMAD
  • BS Dhaqaalaha iyo Horumarka ka diyaariya Jaamacada Admas.

  • Agaasimaha Ururka Sodara.

  • Sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada Maaliyada.

  • Wax ka qora siyasada iyo taariikhda dalka.

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s