WADANI IYO WAYDIINTA ISBADALKA?

Dhagaxdhig

Xiliga uu bilaabmo shirwayne xisbi ama uu isbadal ku yimaad hogaanka xibsi siyaasadeed waxa markiiba bilaabma waydiimo ku aadan aragtida, hogaanka, siyaasadaha, joogtada, timaadada iyo go’aanada xisbigaas waxa iska badala, rajadiisa guusha waxa ku soo kordha iyo fursada hadiiba uu talada qabto uu isbadal ku dhaliyo karo. Maantana Soomaalilaan waxa ay u taagantahay xaalad siyaasadeed oo mid ka mid ah urur siyaasadeedyada (eraybixinta xisbsi waxaan u arkaa in ay ka wayntahay in loogu yeedho ururada siyaasada ee Soomaalilaan dhamaantood, waanse adeegsan doonaa mar hadii sharciga qaranku adeegsaday) dalka ugu miisaanka wayni uu maraayo marxalad isla-huwan labada arin een hore u soo xusanay, taas oo xoojinaysa baahida loo qabo in dood laga furo Wadani iyo waydiinta isbadalka.

Shirwaynaha golaha dhexe ee xisbiga Wadani oo ah midkii ugu horeeyay tan iyo yagleelkiisii waxa uu imanayaa xili ay xisbiga u soo safteen siyaasiyiin iyo garabyo siyaasadeed oo aan hore qayb uga ahayn, taas oo kenaysa in isbadal ku yimaad dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed.

14681739_1307627289268698_6358972916457233065_n
Hogaanka Xisbiga Wadani

Halbeegyo

Hadiiba xibsi ama koox siyaasadeed la qiimaaynaayo waxa markiiba la raadshaa dhabada tallan (fikir) ee uu hayto taas oo fudaysaysa sahaminta siyaasadaha uu ku dhaqi doono xukuumada dhinacyada dhaqaalaha, bulshada, adeegyada iwm, sidoo kale waxa la badhaa cida uu bulshada rayidka ah (kuma jirto bulshada aan rayidka ahayn sida beesha iwm) uu ka matalo oo uu danahooga u halgamo, taageeradoodana ku tashado. Labadaas halbeeg waxa cad in aynaan midnaba albaabiisa furi kirin oo ay si dhamaystiran uga maqanyihiin muqaalka aan ka dheehanayno Wadani iyo rafiiqyadiisa siyaasadeed ee Kulmiye, Ucid, Iwm.

Mar kale waxa la qiimeeyaa aragtida kooxdaas ee ku aadan qaranka (ma aha xukuumada) oo ka kooban, qeexida qaranka, bulashadiisa iyo halka uu ka dhaco juquraafiyada-siyaasada gabolka iyo aduunka. Marlabaad halkaa marka aan marayno waxa inoo cad in aynaan halbeegsaana ku cabiri arin oo uu si cad uga maqanyahay muqaalkan siyaasadeed ee dalkeena ka dheehanayno.

Halbeegyo kale oo lagu qiimayn karo masraxa siyaasada Soomaalilaan ee uu Wadani laynka hore kaga jiro hadii aynu raadino waxa aysan ka maarsanamayn in aan qiimayno hogaankiisa ama hor-boodayaashiisa, oo halkaa uga daba qaadano  qiimaynta aan ku samayn doono xisbiga Wadaini, si aan uga warcelin karno waydiinta aan hore u soo guntanay ee ku aadan isbadal nocee ah, oo intee baaxad le eg ayuu dalka ka dhalin karaa hadii uu awooda hanto.

Hogaanka Xisbiga

Hogaanka xisbiga Wadani ee ay u egtahay in mucaaradnimadii uu ku kalyaysatay kadib markuu xibgii wehelinaayay, horena uu uga soo faruurmay uu masraxa ka huleelay, waxa ay ka koobanyihiin:

Shaqaale-Dhexe (Technocrat) hore oo Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo meelo la mid ah hore uga soo shaqeeya, sida Gu. Cadbiraxmaan Ciro, Maxamad Biixi, Ismaciil Buubaa, Cabdirashir Xasan Mataan, Maxamd Cali Aw-Cabdi iyo raga lamidka ah, ragaas ka siman in aysan hore hawlgalo siyaasadeed hogaakiisa uga qayb galin oo ay marwalba laynka labaad iyo wixii ka danbeeya ka shaqo-gali jireen.

Qurbejoog soo guryo hoyatay ama soo guryo hoyan raba oo u soo tafoxaytay in ay dalka hogaankiisa ka qayb qataan wax khirbar siyaasadeed ah oo horese aan lahayn marka laga tago qaadhaan u ururinta hawlgalada siyaasadeed ee  raga hawbtooda ahi ay horbodayeen.

Wadaado-Hore sida Xirsi Xaaji Cali oo siyaasada ka soo bilaabay ololihii MD Silaanyo ee ugu danbeeyay, Dhalin sida Barkhad Batuun iyo Axmad Muumin Seed oo iyagu siyaasada kula kawsaday Wadani, ama laymasha ugu danbeeyay ee Kulmiye.

 Hadii aynu isku keeno waxa ay noqonayaan sadex qaybood mid madhaan intaa aan soo tirinay, rag siyaasadu bilaw u tahay, kuwo Kulmiye ka soo hayaamay iyo rag hada raadinaaaya meel ay cagta kala qaadaan socdaalka siyaasadeed ee dalka. Dhamantoodna waxa mideeya raasamaalkooda siyaasadeed oo aan sinaba u dhaafin, dhaafina karin cagta reerka oo ay ka dhaadhacsheen, dadkana uga dhigeen iyagna rumaysteen in ay matalaan, dantiisana u rooraan.

Isbadal Caynkee Ah

Sida aan ka baranay xisbi kasta oo dalkan mucaarad ah fariinta koobaad ee hadalhayntoodu (speech/khidaab) waxa weeyi Isbadal, waxa ku soo xiga Tallo xumada Kumliye ayaan dalka ka badbaadinaynaa, hadiiba ay wax ku daraaan oo wax intaa dhaafsan sheegaan kama gudbaan cinwaano balbalaadhan sida kobcinta dhaqaalaha, tayaynta waxbarashada iyo caafimaadka, shaqo abuur, kobcinta adeegyada bulshada, aqoonsi helid iwm.

Garaad dheerna uma baahna in aan garano hadal-haynta noocaas ahi inaysan ahayn mid looga fadhiyo xisbi ku balan qaadaaya isbadal la taaban karo.

 Maxaa ayna Is-Badal u Dhalin Karin?

Mareegta siyaasaded ee qaabkaas u dhisan marnaba ma dhalin karto isbadan dhaafsan in qof kursiga ka kaco oo uu mid kale ku fadhiisto, deetana tuumbada danaysiga ee xafiiskaas uu harqiyo dhankiisa isagoo ka soo jeedinaaya dhankii uu kii hore ku shubi jiray.

Sida aan soo tibaaxnay mareegta siyaasadeed ee Wadani sida axsaabta kale ee Soomaalilaan saldhigeeda iyo unuga ay ku meeraysaa waa dan qof, taas oo qudha ayaa ah arinka maangalka ah ee isku keeni kara siyaasiyiinta inooga muuqda xisbiga Wadani iyo gabi ahaan xisbiyada siyaasada dalka.

Dad ay ugu dhantahay eraybixinada Mudane Wasiir, Madaxwayne, Xildhibaan ama xiliyada qaar Siyaasi, hadiiba hankooda intaa dhaafana waxa uu ku jogaa in ay helaan magac aan hawl badani ka danbayn, luga adagna ku taagnayn sida halyaygii halgankii hirgalay iwm. Kooda isku tiriya meelfog ka fakarna waxa uu bartilmaameed-sanayaa in uu imbaraadooriyad hantiyeed ka dhisto dhexjooga talada dalka.

Sida uusan Kulmiye isbadal dalkan dadkiisu ku diirsandaan markii hore u dhalin ayaanu Wadani, Ucid iyo Kulmiye midkoodna u dhalin karin markana. Sidii Soomaali hore ugu maahmaaday “Reer Hortii Xoolo Dhaqo” ayaan ana uleehay siyaasiga “xil hortii xalka dhis” ileen maalinka lagu dhaariyo dib u dhalan maysid, waxyina kugu soo dagi maaye ’e.

C.laahi Raage “Sayyidka”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s