ABAARTEENA HOOYADEED.

 

%d8%b5%d9%88%d8%b1%d8%a9-%d8%a8%d8%b7%d8%a9-%d9%88%d8%b5%d8%ba%d8%a7%d8%b1%d9%87%d8%a7-%d9%8a%d8%b9%d9%88%d9%85%d9%88%d9%86-%d9%81%d9%88%d9%82-%d8%a7%d9%84%d9%85%d8%a7%d8%a1-%d9%84%d9%84%d8%aa%d9%84Tobaneeyadii sannadood ee danbeeyay abaaruhu deegaankeenan way ku soonoqnoqdeen dawlado iyo gobolo kala duwana waa saameeyay, Soo noqnoqodku ma ahayn kaliya waxa kaliya ee ay wadaagaan, waxa kale oo ay wadaageen sida looga falceliyay ee loo maareeyay xaalka –hadiiba la maareeyo- oo ahaa mid sida dhamaystiran loo kala dheegtay, Hadii aad u fiirsatid inta ay leegtahay qarafaysiga magaca aadamaha tabaalaysan lagu galay, hantida gargaarka ahayd ee la lunsaday baaxadeeda, iyo beenta lagu mudan shacabka markasta oo loo muujiyo in uu hawl-gal qaran oo geesinimo leh socdo dakana la badbaadinaayo, waxa aad garan karaysaa in aanu muuqaalna muuqaalka kale wax-lasheego kaga duwanayn, jilaaduna ay si aad u foolxun u soo noqnoqotay. Uurkana waxa aad u dhibaaya marnashaha ama maqnaysiinta garashada bulshada ee ku aadan jabka ay la kulamayaan qaybo ka mid ah dadkeenu halkan iyo halkaas kale.

Ba’ beeraha, qalaylka iyo roobka oo xiligiisii ka dib dhacaa waa arin Eebbe oo kuma lihin ka badan in aan raadraacno, qiimayno oo aan aqoonta ku sharaxno, Lakiin ma nihin cida kaliya ee aadamaha ay ka hor timaad masiibooyinkan dabiiciga ahi, dawyawga kale waxa ay si joogto ah ula kulmaan dhulgariiro waxwalba amshaxa ka dhiga, iyo Sunaami aan waxba ka tagen, lakiin kaligeen ayaa qiyaastii aan waxba ka aqoon xaalka saadaasha-hawadeena iyo dhibaatooyinkeeda la filaayo, iyadoo la helaayo xirfadlayaashii aqoonta u lahaa. Sidoo kale kalligeen ayaan raarraacin cida kale waxa uu ka sheegaayo ama ka qoraayo saadaasha-hawadena.

Buunbuunin la’aan kaligeen ayaa aadamaha oo dhan si joogto ah inoo kadiyaan masiibooyinku, hurdadeena dheer inagamaba soo kiciyo cabaadka dhibanaha ugu danbeeyaa, markaasna waxaaba bilaabma taxane hindiya oo aan qaybnay/xifdinay ku celcelintiisa awgeed.

Sidii fursad aan soo laaban doonin waxa bilaabma ka faa’iidaysiga rafadka bulshada sida ugu liidata, waxaa lagu dhawaaqaa xaalad dagdag ah oo aanu dareeminba jiritaankeeda qofka aan warbaahinta la socon, iridahaana loo furaa dabaaldag qarafo oo lagu muujinaayo muuqaalda xil-hayahaas isaga oo jeex roodhi ah u fidinaaya baahane, deetana waxa uu jeediyaa qudbad dhaga la’ oo uu ku tibaaxaayo aadame nimadiisa iyo sida uu isku ahayn kari waayay dadkiisii oo xaalkan ku sugan marka uu arkay, intaas ayaana lagu xaalufshaa jeebabka dadka, shaqaalaha iyo ganacsatada inta uu imanaayo ninka cad, Carab iyo Yurubiyaan mid uu yahayba.

Ninka saanta-cad marka uu soo gaadho, waxa bilaabanta buunbuuninta masiibada, oo waxa la sheegaa libin laab waxa jira, dabadeena laga codsadaa in uu baahanayaashaa aan cidna u maqayn ceelna u qodnayn gargaaro, Hagar la’aan ayuu u baxshaa gacanqabad aanay baahanayaasha ka gaadhi doonin doolar lagu muujiyo/sawiro wax aan ahyn. Halkaas waxa ku dhamaada hantida gudaha iyo dibada lakiin ololaha ka faa’iidaysigu dhayal kuma joogsado, waxa ay noqon kartaa fursad lagu dib dhigo ama lagu laalo waajib axdigu/dastuurku dhigaayo ileen hogaamiyuhu uma ogola shacabka rafaadka la xisaabtankiisa, ama waxa looga faa’iidayn karaa suuqgaynta oo waxa la iskugu yeedhi karaa salaad roobdoon si dadka loo xasuusiyo awooda uu rumaynta.imaanka madaxwaynuhu leeyahay.

Abaartu waxa ay ku dhamaandoontaa arin Illah oo aynaan tallo ku lahayn, lakiin abaarteena dhabta ahi dhamaan mayso, tobonaan sanno ayay inagula socotaa ogolaanshiyeheena ama garasho la’aanteena, Abaarteenu mudanayaal maaha mid samada ka soo dagtay ama dabeecadu keentay, inaga ayaa se abuurnay, abaarteena dhabta ahi waa horjoogan inoo taliya dhamaan dhulka Soomaaliyeed –Kaliya maaha Soomaaliya iyo Soomaalilaan- ee Jigjiga ilaa Hargaysa, Jabuuti ilaa Muqdhisho, Garoowe ilaa Gaarisa warkeenu waxaba kuma kala duwana oo sawir kolba dhinac laga joogsaday.

Mudanayaal abaarteena hooyada ahi dhamaan mayso ilaa la dabar jaro, ama ay dabar go’aan kuwa aan inoo arkayn wax kabadan xayn dhankii la rabo kolba loola kaco, jabkeenana fursad u arkaaya.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s