ABAARTEENA HOOYADEED.

 

%d8%b5%d9%88%d8%b1%d8%a9-%d8%a8%d8%b7%d8%a9-%d9%88%d8%b5%d8%ba%d8%a7%d8%b1%d9%87%d8%a7-%d9%8a%d8%b9%d9%88%d9%85%d9%88%d9%86-%d9%81%d9%88%d9%82-%d8%a7%d9%84%d9%85%d8%a7%d8%a1-%d9%84%d9%84%d8%aa%d9%84Tobaneeyadii sannadood ee danbeeyay abaaruhu deegaankeenan way ku soonoqnoqdeen dawlado iyo gobolo kala duwana waa saameeyay, Soo noqnoqodku ma ahayn kaliya waxa kaliya ee ay wadaagaan, waxa kale oo ay wadaageen sida looga falceliyay ee loo maareeyay xaalka –hadiiba la maareeyo- oo ahaa mid sida dhamaystiran loo kala dheegtay, Hadii aad u fiirsatid inta ay leegtahay qarafaysiga magaca aadamaha tabaalaysan lagu galay, hantida gargaarka ahayd ee la lunsaday baaxadeeda, iyo beenta lagu mudan shacabka markasta oo loo muujiyo in uu hawl-gal qaran oo geesinimo leh socdo dakana la badbaadinaayo, waxa aad garan karaysaa in aanu muuqaalna muuqaalka kale wax-lasheego kaga duwanayn, jilaaduna ay si aad u foolxun u soo noqnoqotay. Uurkana waxa aad u dhibaaya marnashaha ama maqnaysiinta garashada bulshada ee ku aadan jabka ay la kulamayaan qaybo ka mid ah dadkeenu halkan iyo halkaas kale.

Continue reading “ABAARTEENA HOOYADEED.”

Advertisements

WADANI IYO WAYDIINTA ISBADALKA?

Dhagaxdhig

Xiliga uu bilaabmo shirwayne xisbi ama uu isbadal ku yimaad hogaanka xibsi siyaasadeed waxa markiiba bilaabma waydiimo ku aadan aragtida, hogaanka, siyaasadaha, joogtada, timaadada iyo go’aanada xisbigaas waxa iska badala, rajadiisa guusha waxa ku soo kordha iyo fursada hadiiba uu talada qabto uu isbadal ku dhaliyo karo. Maantana Soomaalilaan waxa ay u taagantahay xaalad siyaasadeed oo mid ka mid ah urur siyaasadeedyada (eraybixinta xisbsi waxaan u arkaa in ay ka wayntahay in loogu yeedho ururada siyaasada ee Soomaalilaan dhamaantood, waanse adeegsan doonaa mar hadii sharciga qaranku adeegsaday) dalka ugu miisaanka wayni uu maraayo marxalad isla-huwan labada arin een hore u soo xusanay, taas oo xoojinaysa baahida loo qabo in dood laga furo Wadani iyo waydiinta isbadalka.

Continue reading “WADANI IYO WAYDIINTA ISBADALKA?”

IS CASILAAD GUUR!!

“Xaasku ma halkanuu daganyahay?” saxiib aan haduun isbaranay ayaa I waydiiyay, mareeyaha hay’adayada, dhalinta kaftan wadaagta aan nahay, ilaa mudalabka cunada iisoo dhiga iyo qaar kale oo badana midba si ayuu ii waydiiyaa, hablahana indhahooga ayaan ka milicsadaa rumaysi la’aanta, markaan ugu jawaabo “Maya! Wali walaal ma aanan guursan”. Intaas waxa ii dheer ehel iyo qarabo, midka ay dani isku kaayo keento iyo ka kadisku na kulmiyaba si googto ah ayuu ii yidhaa “Cabdulaahi waa Goorma?!”, hadaanay I odhanba “ma gabadhbaan kuu doonaa?”. Warkaasi waxa uu cirka isku sii shareeraa ayaanta rafiiqyaday mid liiska guurdoonka ka baxo, ka qalinjabiyo akadmiyada haasaawaha oo qalinka ku duugo aadame ay isdoorteen.

Continue reading “IS CASILAAD GUUR!!”

TALLAN #2 | MIIDA-QALINKA 01 | QAAMUUS AL-AWAL

#TALLAN {Tallo Wadaag Togan} waa barnaamuj todobaad le ah oo tooshka ku ifinaaya qadiyado aqooneed, afkaar, haldooro, waxqabad iyo arimo kale oo saamayn ku leh bulshadeena.

Tallan waxa uu bartilmaameedsanayaa wacyi galin aqoon ku salaynsan iyo #Talo_Wadaag_Togan.

Continue reading “TALLAN #2 | MIIDA-QALINKA 01 | QAAMUUS AL-AWAL”

Bare Barre

Favim.com-alone-art-cute-guitar-love-music-90029

     Barre waxa aad tahay bare ku takhasusay barbaarinta ubadka, dugsiga aad u shaqo tagto wuu buux-dhaafaa, magac iyo sumcadna wuu ku wadhwadhaa, adna waad u hagar-baxdaa waxbarista ubadkaad aad baraha u tahay iyo barbaarintoodaba, waalidku adi mooyee bareyaasha kale maba yaqaanaan, ubadkuna magacaaga way ku hadaaqaan dugsiga dhexdiisa iyo dibadiisaba, magaalka markaad ubaxdo umadda ayaa kuu jeeb ah, ardaygaagii kaalinta koobaad galay sanadkii la soo dhaafay waalidkii waaka haysta maqaayada wax laga cuno, maalinkaa ka dib lacag aad bixiso waakii ka dhaartay, adna hadii uu xishoodku ku dhaafin lahaa waakii ku xujeeyay ee Eebbe wayne kugu xawilay hadiiba aad garab marto, baska laftiisa waaka wada galinka danbe mid ardaydaada ka mid ahi, hadaanu ku qaadin oo aanu meesha aad u socoto ku hordhigin maalinkiisu  miyaabu dhamaystirmaa?!

Qiyaastii malaha baalashka oo kaliya ayaad lagactaada ka bixisaa inta aad magaalka joogto.

Continue reading “Bare Barre”