ABAARTEENA HOOYADEED.

 

%d8%b5%d9%88%d8%b1%d8%a9-%d8%a8%d8%b7%d8%a9-%d9%88%d8%b5%d8%ba%d8%a7%d8%b1%d9%87%d8%a7-%d9%8a%d8%b9%d9%88%d9%85%d9%88%d9%86-%d9%81%d9%88%d9%82-%d8%a7%d9%84%d9%85%d8%a7%d8%a1-%d9%84%d9%84%d8%aa%d9%84Tobaneeyadii sannadood ee danbeeyay abaaruhu deegaankeenan way ku soonoqnoqdeen dawlado iyo gobolo kala duwana waa saameeyay, Soo noqnoqodku ma ahayn kaliya waxa kaliya ee ay wadaagaan, waxa kale oo ay wadaageen sida looga falceliyay ee loo maareeyay xaalka –hadiiba la maareeyo- oo ahaa mid sida dhamaystiran loo kala dheegtay, Hadii aad u fiirsatid inta ay leegtahay qarafaysiga magaca aadamaha tabaalaysan lagu galay, hantida gargaarka ahayd ee la lunsaday baaxadeeda, iyo beenta lagu mudan shacabka markasta oo loo muujiyo in uu hawl-gal qaran oo geesinimo leh socdo dakana la badbaadinaayo, waxa aad garan karaysaa in aanu muuqaalna muuqaalka kale wax-lasheego kaga duwanayn, jilaaduna ay si aad u foolxun u soo noqnoqotay. Uurkana waxa aad u dhibaaya marnashaha ama maqnaysiinta garashada bulshada ee ku aadan jabka ay la kulamayaan qaybo ka mid ah dadkeenu halkan iyo halkaas kale.

Continue reading “ABAARTEENA HOOYADEED.”

Advertisements

WADANI IYO WAYDIINTA ISBADALKA?

Dhagaxdhig

Xiliga uu bilaabmo shirwayne xisbi ama uu isbadal ku yimaad hogaanka xibsi siyaasadeed waxa markiiba bilaabma waydiimo ku aadan aragtida, hogaanka, siyaasadaha, joogtada, timaadada iyo go’aanada xisbigaas waxa iska badala, rajadiisa guusha waxa ku soo kordha iyo fursada hadiiba uu talada qabto uu isbadal ku dhaliyo karo. Maantana Soomaalilaan waxa ay u taagantahay xaalad siyaasadeed oo mid ka mid ah urur siyaasadeedyada (eraybixinta xisbsi waxaan u arkaa in ay ka wayntahay in loogu yeedho ururada siyaasada ee Soomaalilaan dhamaantood, waanse adeegsan doonaa mar hadii sharciga qaranku adeegsaday) dalka ugu miisaanka wayni uu maraayo marxalad isla-huwan labada arin een hore u soo xusanay, taas oo xoojinaysa baahida loo qabo in dood laga furo Wadani iyo waydiinta isbadalka.

Continue reading “WADANI IYO WAYDIINTA ISBADALKA?”

J. CAMUUD IYO W. CABDILLAAHI-DHEERE, ARAGTI KALE.

Maalmahan waxa taagneeyd dood ka dhalatey hadal uu wasiirka waxbarashadu ku duray Jaamacada Camuud, isaga oo kulan la qaadanayey Gudoonka waxbarashada ee Gobalka Awdal. Sida ku cad hadalka wasiirka, wuxa uu ku soo hal qabsadey dhalinyarta bada ku dhimaanaaysa, oo uu sheegay in ay yihiin kuwa aan lahayn xirfado ay ku shaqeeystaan, intooda jaamacadaha dhameeyseyna ay aqoon liidata kala soo baxeen, si guudna waxa uu u sheegay in jaamacaduhu aay noqdeen xarumo ganacsi, si gaar ahna wuxuu isku dul taagey jaamacada CAMUUD oo uu ku sifeeyay in ay sanadii 2006 kadib tayadeeda waxbarasho hoos u dhac samaynaysay, isagoo carabka ku adkeeyey wixii ka horeeyey 2006 in uu dunida laga aqoonsanyahay.

SilaanyoatAUGrad2015

Kabilow Midig, Proff Saleeban A.Guled,  MD Axmad M. M. Silaanyo, W.Hore Faarax Geedoole, Cumar Dheere.

Continue reading “J. CAMUUD IYO W. CABDILLAAHI-DHEERE, ARAGTI KALE.”

YEMEN IYO DUFAANTA AFJARKA EE SUCUUDIGA IYO XULAFADIISA

11391398_10204478190097212_3092850472202379351_n
C.Laahi Raage “Sayyidka”

 

    Maalmo ka hor dunidu waxay ku soo toostay gariika iyo guuxa diyaaradaha xulafo balaadhan oo heer gobol ah, dalka Sucuudiguna hor kacaayo, oo bartilmameed sanaysa saldhigyada iyo xarumaha hogaanka ishuwanta xoogaga maleeshiyaadka sida halista ah u hubaysan ee Xuusiyiinta iyo Madaxwaynihii xilka laga xayuubshay ee Cali Saalax, hawl-galkan oo loogu magacdaray duufaanta afjarka ayay cidba dhan ka jogsatay waana arin dabiici ah in cidba dhankeeda ka joogsato kuna eegto diiradeeda gaarta, ana anoo dadkaa ka mid ah qormadan waxaan isku dayayaa in aan taabtaabto arimo gogol dhig u noqon kara fahan balaadhan oo ku sahabsan hawl-galkaa iyo xaalda uu dhabarka ku hayo, dhinacyadiisa iyo waxa keenay islamarkaana sida aan saadaalinayno in uu ku danbeeyo.

Continue reading “YEMEN IYO DUFAANTA AFJARKA EE SUCUUDIGA IYO XULAFADIISA”