ABAARTEENA HOOYADEED.

 

%d8%b5%d9%88%d8%b1%d8%a9-%d8%a8%d8%b7%d8%a9-%d9%88%d8%b5%d8%ba%d8%a7%d8%b1%d9%87%d8%a7-%d9%8a%d8%b9%d9%88%d9%85%d9%88%d9%86-%d9%81%d9%88%d9%82-%d8%a7%d9%84%d9%85%d8%a7%d8%a1-%d9%84%d9%84%d8%aa%d9%84Tobaneeyadii sannadood ee danbeeyay abaaruhu deegaankeenan way ku soonoqnoqdeen dawlado iyo gobolo kala duwana waa saameeyay, Soo noqnoqodku ma ahayn kaliya waxa kaliya ee ay wadaagaan, waxa kale oo ay wadaageen sida looga falceliyay ee loo maareeyay xaalka –hadiiba la maareeyo- oo ahaa mid sida dhamaystiran loo kala dheegtay, Hadii aad u fiirsatid inta ay leegtahay qarafaysiga magaca aadamaha tabaalaysan lagu galay, hantida gargaarka ahayd ee la lunsaday baaxadeeda, iyo beenta lagu mudan shacabka markasta oo loo muujiyo in uu hawl-gal qaran oo geesinimo leh socdo dakana la badbaadinaayo, waxa aad garan karaysaa in aanu muuqaalna muuqaalka kale wax-lasheego kaga duwanayn, jilaaduna ay si aad u foolxun u soo noqnoqotay. Uurkana waxa aad u dhibaaya marnashaha ama maqnaysiinta garashada bulshada ee ku aadan jabka ay la kulamayaan qaybo ka mid ah dadkeenu halkan iyo halkaas kale.

Continue reading “ABAARTEENA HOOYADEED.”

WADANI IYO WAYDIINTA ISBADALKA?

Dhagaxdhig

Xiliga uu bilaabmo shirwayne xisbi ama uu isbadal ku yimaad hogaanka xibsi siyaasadeed waxa markiiba bilaabma waydiimo ku aadan aragtida, hogaanka, siyaasadaha, joogtada, timaadada iyo go’aanada xisbigaas waxa iska badala, rajadiisa guusha waxa ku soo kordha iyo fursada hadiiba uu talada qabto uu isbadal ku dhaliyo karo. Maantana Soomaalilaan waxa ay u taagantahay xaalad siyaasadeed oo mid ka mid ah urur siyaasadeedyada (eraybixinta xisbsi waxaan u arkaa in ay ka wayntahay in loogu yeedho ururada siyaasada ee Soomaalilaan dhamaantood, waanse adeegsan doonaa mar hadii sharciga qaranku adeegsaday) dalka ugu miisaanka wayni uu maraayo marxalad isla-huwan labada arin een hore u soo xusanay, taas oo xoojinaysa baahida loo qabo in dood laga furo Wadani iyo waydiinta isbadalka.

Continue reading “WADANI IYO WAYDIINTA ISBADALKA?”

Bare Barre

Favim.com-alone-art-cute-guitar-love-music-90029

     Barre waxa aad tahay bare ku takhasusay barbaarinta ubadka, dugsiga aad u shaqo tagto wuu buux-dhaafaa, magac iyo sumcadna wuu ku wadhwadhaa, adna waad u hagar-baxdaa waxbarista ubadkaad aad baraha u tahay iyo barbaarintoodaba, waalidku adi mooyee bareyaasha kale maba yaqaanaan, ubadkuna magacaaga way ku hadaaqaan dugsiga dhexdiisa iyo dibadiisaba, magaalka markaad ubaxdo umadda ayaa kuu jeeb ah, ardaygaagii kaalinta koobaad galay sanadkii la soo dhaafay waalidkii waaka haysta maqaayada wax laga cuno, maalinkaa ka dib lacag aad bixiso waakii ka dhaartay, adna hadii uu xishoodku ku dhaafin lahaa waakii ku xujeeyay ee Eebbe wayne kugu xawilay hadiiba aad garab marto, baska laftiisa waaka wada galinka danbe mid ardaydaada ka mid ahi, hadaanu ku qaadin oo aanu meesha aad u socoto ku hordhigin maalinkiisu  miyaabu dhamaystirmaa?!

Qiyaastii malaha baalashka oo kaliya ayaad lagactaada ka bixisaa inta aad magaalka joogto.

Continue reading “Bare Barre”

J. CAMUUD IYO W. CABDILLAAHI-DHEERE, ARAGTI KALE.

Maalmahan waxa taagneeyd dood ka dhalatey hadal uu wasiirka waxbarashadu ku duray Jaamacada Camuud, isaga oo kulan la qaadanayey Gudoonka waxbarashada ee Gobalka Awdal. Sida ku cad hadalka wasiirka, wuxa uu ku soo hal qabsadey dhalinyarta bada ku dhimaanaaysa, oo uu sheegay in ay yihiin kuwa aan lahayn xirfado ay ku shaqeeystaan, intooda jaamacadaha dhameeyseyna ay aqoon liidata kala soo baxeen, si guudna waxa uu u sheegay in jaamacaduhu aay noqdeen xarumo ganacsi, si gaar ahna wuxuu isku dul taagey jaamacada CAMUUD oo uu ku sifeeyay in ay sanadii 2006 kadib tayadeeda waxbarasho hoos u dhac samaynaysay, isagoo carabka ku adkeeyey wixii ka horeeyey 2006 in uu dunida laga aqoonsanyahay.

SilaanyoatAUGrad2015

Kabilow Midig, Proff Saleeban A.Guled,  MD Axmad M. M. Silaanyo, W.Hore Faarax Geedoole, Cumar Dheere.

Continue reading “J. CAMUUD IYO W. CABDILLAAHI-DHEERE, ARAGTI KALE.”

Kacaanka Jira: Ama Muxuu Aadamuhu U Socdaa Isagoo Adhax Taagan

the-upright-revolution-4

Waxa loo soo minguuriyay Af Somali, laguna faafiyay jalada.org

Khaloudy Mohamed Sa’eed and Abdillahi Raage “Sayyidka”

Wakhtiyadii hore aadamuhu waxa uu ku socon jiray afarta addin, sida dhamaan san-ku-neeflaha kale ee afar-dinlayaasha ah. Aadamuhu waa uu ka dheerayn jiray bakaylaha, shabeelka iyo jeerta. Labadiisa lugood iyo labadiisa gamcood aad ayay iska xigeen dhamaan xubnihiisa kale, laablaabatooyinkooduna waa isku ekaayen oo isku dhigmayeen, garbahu waxa ay ku beegnayeen miskaha, suxuladuna jilabaha, mataanuhuna kuraamaha, caguhuna gacmaha. Midwalbaana waxa ay ku gabagaboobaysay shan farood oo cidiyo huwan. Gacmaha iyo luguhu waxa ay aad iskaga eekaayeen faraha shanta ah qayb-qaybtankooda, suulka iyo fardhexeda ilaa faryarada lugta iyo suulkeeda. Lugaha iyo gacmuhuna waxay iskugu yeedhi jireen inaadeer.

Continue reading “Kacaanka Jira: Ama Muxuu Aadamuhu U Socdaa Isagoo Adhax Taagan”

ERAYO AAN KA IDHI DOODII XUQUUQDA AADAMAHA IYO ISLAAMKA

12522957_10205727143040255_6933173192349739081_n

 

Gabagabadii todobaadkii ina soo dhaafay xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland waxa ay agaasintay dood aqooneed ku sumadnayd XUQUUQDA AADAMAHA IYO ISLAAMKA, taas oon gaabjooge ka ahaa waxa lagu soo qaaday arimo badan waxaana lagu wadaagay talooyin iyo afkaar kala gadisan, ana waxaan halkan idinkula wadaagayaa aragtidayda ku aadanayd doodahaa kala duwan ee xaruntaas lagaga dhawaajiyay.

Continue reading “ERAYO AAN KA IDHI DOODII XUQUUQDA AADAMAHA IYO ISLAAMKA”