Ismoogaan….!!!! (2)

     Jidcade boodh badan, xilli qoraxdu wixii dhaqaaqayaba dubanayso adigoo daal iyo caajis kaa muuqdo, labiskaagana aanad u soo aabo yeelinba markaad soo baxaysay, dhankan aad u socotana aan garanayn, xagaad ka timidna illaabay, meel aad ku maqnaydna aan xasuusnayn ka hor intaanad ku baraarugin baabuurka cad ee Indhacadaha ah ee gabadha cad ee indhaha cad wadato oo kugu soo maqan.!!!      Sida xaragada … Continue reading Ismoogaan….!!!! (2)

Saaxiibkii Ayaa Waalay!!!

   art-van_a-maze-ing-laughter-2

    Axmed Wali iyo Cali halyay waa labo kuray-magaalo oo aad saaxiibo u ah, mudo sided(8) sano ku dhaw ayay is yaqaanaan. Garoonka xaafada labadooduba waa ka caan, midwalabana waxa uu xaafada ku leeyahay naanays caana oo marka aad sheego ay cidwaliba kuu garanayso, Jilbo(Axmed) iyo Diir(Cali) waxay ku caanbaxeen marka kubada laga yimaado, Catabad fadhiga, Hablo ka biica, Caruur laynta iyo Xaafado Shiidka. Ilayn waa laba nin oo sheekadu iskugu dhacdee, maalin ayuu kaftanku la gaadhay in Jilbo saaxiibkii Diir ku yidhaa waan ku waali karaa!!!!. Diir oo la yaaban kuna qoslaaya ayaa ugu jawaabay hadii aad katrid waan kuu qirayaa!!!!.

Continue reading “Saaxiibkii Ayaa Waalay!!!”