Bare Barre

     Barre waxa aad tahay bare ku takhasusay barbaarinta ubadka, dugsiga aad u shaqo tagto wuu buux-dhaafaa, magac iyo sumcadna wuu ku wadhwadhaa, adna waad u hagar-baxdaa waxbarista ubadkaad aad baraha u tahay iyo barbaarintoodaba, waalidku adi mooyee bareyaasha kale maba yaqaanaan, ubadkuna magacaaga way ku hadaaqaan dugsiga dhexdiisa iyo dibadiisaba, magaalka markaad ubaxdo umadda ayaa kuu jeeb ah, ardaygaagii kaalinta koobaad galay sanadkii la soo dhaafay waalidkii waaka haysta maqaayada wax laga cuno, maalinkaa ka dib lacag aad bixiso waakii ka dhaartay, adna hadii uu xishoodku ku dhaafin lahaa waakii ku xujeeyay ee Eebbe wayne kugu xawilay hadiiba aad garab marto, baska laftiisa waaka wada galinka danbe mid ardaydaada ka mid ahi, hadaanu ku qaadin oo aanu meesha aad u socoto ku hordhigin maalinkiisu  miyaabu dhamaystirmaa?!

Qiyaastii malaha baalashka oo kaliya ayaad lagactaada ka bixisaa inta aad magaalka joogto.

    Adoo is moog uun, waadiga maalin ku baraarugay adoo qaylyaaya illeen waxaabad ku riyoonaysay tacsidaadii oo loo fadhiyo, anfariikii makuu kaa dagay riyadaasi waxa ay kugu dhalisay is weydiintii ugu cuslayd noloshaada, taas oo ahayd hadii aad caawaba guryo hoyato maxaa lagaa dhaxli oo lagugu xasuusan doonaa, ku darsoo ubadna Alle kuuguma deeqin adna guurba waadigii giriifey waagii Baxsan lagaa guursaday.

   Todobaado wax aad tallan’toba, go’aan waadiga ku gaadhay in aad magacaaga ku duugto xarun waxbarasho oo gargaar ah, ubadka danyarta ah, kuwa daranyaysan, kuwa la daadshay iyo kuwa waalidkood ka dayrshayba ay hoy iyo dugsiba ka dhigtaan, waxna ku bartid, diintana aad ku barbaarisid, waxaanad isku qancisay in taasi tan la joogo iyo ta danbaaysaba guul kuu tahay.

Waa Allah mahadii, sidii lagu yiqiin meesha aad joogto wakaa ubadkii soo buux dhaafshay Xarunta Barre Bare ee Kobcinta Ubadka Umada, hooyada sii baxaysa iyo ayeeyada soo galaysa badidooda waakuwa bilaabay ubadku in ay tirintooda ku tartamaan, adna waadiga “amiiin.. Idaylkenba.. Aaamiin hooyo” -da gurraaya, ducada markii lagugu qarqiyay.

     “La yaab ma laha…. Waligiiba waa uu ubad jeclaa… illeeyn waa nin goblan ahe…” erayada waa kuwa iswaaydaarsaday wiilka gacanyaraha kuu ah iyo gabadha soo-dhawaynta kuu qaabilsani, adigu markaas warkaa ma haysid illeeyn waa nin riyadiisi u rumawday iyo xeerkiiye, tirada ubadka, tayada waxbarasha, farxadooda iyo ku qanacsanaanta waalidka awoodi waayay in uu hanti kala baxo waxbarista ubadkiisu waata ku qancisay, cid kaa raynrayn badanba ma jirto dunida, tolow ma la heli cid mar uun sida aad hada u faraxsanatahay u faraxday inta uu aadamuhu aduunkan jogo, maalina Allaha ka yeelee?! Intaad weeydiintaa is weeydiisay waadiga is kugu warceliyay, Maya..!!!, adoo indhaha la raacraacaaya wiilka iyo gabadha mataanaha ah oo cayaar ku mashquulsan.

     Haweenku indho fiiqfiiqanaa oo fiirfiirsi badanaa, gabadhii kula shaqaaynaaysay oo baryahanba madaxeega ay weeydiimo ka guuxayeen, waata yarkii shaqaalaha ahaa waydiisay,

-“Bare Barre caruurtaa mataanaha ah muxuu si gooni ah ugu xanaaneeyaa?!”
-Garan maayo, maxaad ku keentay waydiintaas?!. Markuu ugu jawaab celiyay waata intay kursi halkaa ka soo jeeda fadhiisatay ku tidhi,
-“U fiirso marwalba oo uu ubadka dhex fadhiyo labadooda dhabta ayuu ku qabtaa, aroortii isagaa kala wareega ayeeydood, galinka danbana gacatiisa ayuu ugu geeyaa.”

-Yaa… indho dheeridaa, umaaban fiirsane, maxay kale ayaad ku aragtay?!

-Waar adna waad iska nooshahay uun, labadaas mataanood hadii ay oyaan miyaanad arag in uu gariiro, waxaaban ka baqaa marka ay ilmeeyaan in uu isagna oohin ku daro.

-Haye… waa yaabe !!

-Waar xataa hadii ay is wasakheeyaan ilaa aan u nadiifiyo igama dul tago.

-Naa dee  Barre waa nin ubad jecel, ma maantaad baranaysaa?!!!!

-Anigu waxaan arkay ubad jacayl ka badan.!!!!

   Intaa markii ay is waydaarsadeen, waadiga si lama filaan ah ugu soo baxay ee waydiiyay waxa ay la murmaayeen, yaarkii waa ka isku dayay in uu sheekada ku dhaafiyo, lakiin kamaad yeeline, waadiga ku adkaysatay in lagaa qayb galiyo dooda, “dhaliyaro ayaan anba ahay oo wali maan odayyoobin ha igala xishoonina hadalka” waadiga hadalkii ugu daray.

   Inta uu dhiiraday waaka yarkii ku waydiiyay “Mataanahaas yaryar waxaan aragnaa adigoo naas-nuujinayee maxay kaaga duwanyihiin ubadka kale”  “aaaah, maad iska aamustid” waadiga ku calaacalay gudahaaga adoon maqashiinayn, illeeyn markiiba waxaa ku horyimid sawirkeedii, sheekadeedii, qosolkeedii, farxadeedii. Dhagtaadu waata iska maqashay codkeedii halaasiga ahaa oo ku leh “gacaliye ragba waa igu kaligaa”, meel ay ka timidba mooye waadiga dareemay iyadoo dhexda ku haysta, dhunkasho kaa laba celinaysa, iyadoo qoslaysa oo kolba su’aal ku weeydiinaysa waadiga xasuustay, qudhiiba waaka ku hor yimid habeenkii uu labiskeedu ku sixray, cadarkeeduna ku jaanjaamiyay ee aad buurta ku laydhsanayseen, magaaladuna hosotiina si qurxoon uga soo muuqanaaysay, xasuus badanayaa habeenkaasi iyadna qurxoonaydaa, waatiii ku waydiisay “hadii aan wiil aan ku curano maxaad u bixin?” adna wadigii gabadh hadii ad ku curataan waydiiyay waxa ay u bixin lahayd? dood dheer ka dib waydinkii ku heshiiyay in aad Bariira iyo Bootaan u kala bixisaan.

    Adoo xasuustaada la mushaaxaaya, iyagna ay u jedaan kaliya wajigaaga is badalay iyo mashquulka ay maskaxdaadu gashay, ee aad neeftood celiso mooyo wax kale iska-wayday, waata gabadhii  kugu toosiyay “Bootaan iyo Bariirada mataanaha ayuu ku waydiinayaa Bare”, ambabar kadib waadiga ugu jawaabay

“Adeer hadaan duruufi talin oo calafku adeegin, saw maata Aabbood saw ma ahadeen, oo ilma Barre looguma yeedheen”

One thought on “Bare Barre”

Leave a comment